telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Taliyaha Ciidamadda Ilaaladda Badda JSL, Oo Sheegay In La Sifayn Doonno Kallumaysato Shiisheyee Xaluufiyee Badda

Berbera, Somaliland – Ciidamadda ilaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hawl-galo kala duwan oo ay ka fuliyeen xeebaha dhinac barri ee gobolka Saaxil ayaa waxa ku soo qabeen ilaa 22 doonyood oo si sharci-darro ah uga Kalluumaysanayay xeebaha barri ee gobolka Saaxil iyo ku dhawaad ilaa 80 qof la socday doonyahaas oo u dhashay dalka Yemen.

Doonyahan ayaa markii ciidamadda ilaaladdu soo qabteen, waxay keeneen xarunta ciidanka ilaaladda xeebaha ee magaaladda Berbera.

Taliyaha Ciidanka Guud ee ciidamadda ilaaladda Xeebaha Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Faarax Xiiranne ayaa ka warbixiyey hawl-galkan iyo sidda lagu soo qabtay doonyahan ka kalluumaysanayay xeebaha Somaliland.

Taliyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan u kuurgalayay tababar u socday ciidamaddii shaqo-qaran iyo ciidankii horre. Dabadeedna waxaan go’aan ku gaadhay in aan kormeer ugu baxo barriga, waxaannu la kulanay doonyo badan oo ah kuwa macdanta ah oo doonyaha waannu soo kaxaynay 2:00 habeennimmo oo C.I.D-da waannu la ballansannahay.”Ayuu yidhi Taliye Xiiranne.

Sidoo kale, Taliye Xiiranne wuxuu sheegay in uu muuqdo khalad waynni “Khalad badan baa ii muuqdda oo sharciga ayaannu marin doonna, khaladka waxa weeye in sharciga lagu toosiyo, annigu noqon maynno niman fadhiid ah, waa laga safayn doonna nimanka bartay badda oo ololahaasi wuu socon doonnaa.”

Dhinaca kale, Taliye Xiiranne wuxuu sheegay in qorshaha sannadka cusub yahay siddii loo safayn lahaa badda Jamhuuriyadda Somaliland”Waxaannu jecelnahay in aannu badda sannadka cusub ka dhignno mid safeexa oo aanay wax dambi ka dhicin oo doonyahan aannu qabanay waa 22 doonyood oo sharciga ayaannu waafajin doonnaa.”

Halkan ka dawo;

71 total views, 1 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins