Taliyaha Guud Ee Booliska Somaliland Oo Digniino Dhawr Ah U Diray Bulshada, Gaar Ahaan Gaadiidlayda

0
858

Taliyaha Guud Ee Booliska Somaliland Oo Digniino Dhawr Ah U Diray Bulshada, Gaar Ahaan Gaadiidlayda

Hargeysa(Warsuagnnews)Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan ammaanka, waxaanu sheegay inay soo badanayaan farmasiiyo iibiya dawooyin lagu sirkhaamo.

Taliye fadal ayaa sheegay in Bacda madow ee lagu asturo muraayadaha gaadiidku sababaha keena shilalka ka mid tahay sidaas darteedna 15 maalmood gudahood dhammaan gaadiidka waddanka lagaga guro bacda “Beer sool” loo yaqaano ee lagu shaqlay muraayadaha gaadiidka.

Ugu horayn wuxuu kuwo aan xilsaarnayn ku tilmaamay dadka ku shaqaysta gaadiidka yaryar ee dadweynaha qaada(Vitz) loona yaqaan Dukhaan“ Baabuurta yaryar ee Dukhaanka loo yaqaan, waxaan halkan uga baahinayaa, gaadiidkaas waxa wata dhalinyaro aanay masuuliyadi saarrayn. muddooyinkii u dambeeyay markaanu qiimaynay shilalka, aad iyo aad ayay shilalkoodu u badan yihiin, taas oo ay keenayso masuuliyad darrada dhalinyarada wadata, xaasha ma lihi, darawalada wata iyo cidda leh ayaa wada caynkaas ah oo xun laakiin, raggaa dhalinyarada ah ee wata ayayna masuuliyad badani saarnayn, waxaanad arkaysaa wadada iyagoo gaadiidka xagga qaldan iyo dhinaca kaleba ka dhaafaya,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay doorka Bacda Beer Soosha la yidhaa ka qaadato shilalka gaadiidka “Waxaan halkan ka bayaaminayaa, waxaa jirta bac la yidhaa Beersool, bacdaasi waxyaabaha shilalka keena qayb ayay ka tahay. Waxaad arkaysaa gaadhi bacdaas xataa xagga hore lagaga xidhay, oo hareeraha oo dhan lagaga xidhay oo wax allaale wax ku jira iyo cid wadda toona aanad arkayn. Waxaan u bayaaminayaa dhammaan bulshada Somaliland ee gobolada dalka jooga inay gaadiidka bacda Beersoosha ah kaga gooyaan muddo 15 cisho ah. Wixii ka dambeeya muddadaas ciidanka boolisku hawlgal balaadhan oo bacahaas gaadiidka lagaga jarayo,” ayuu yidhi Mudane Fadal.

Waxa uu sidoo kale ka digay Taliye Cabdillaahi Fadal walax lagu sirkhaamo “Waxaan shacabka halkan uga bayaaminayaa waxaa jirta bahal loo isticmaalo dawaynta nabaradda oo ah bahasha Isbiirtada la yidhaa, waxaa jiray rag faro ku tiris ah oo caadaystay oo qaarkood aanu ku qabanay meheradihiina si sharci ah uga xidhnay. Waa bahashii Isbiirtada ahayd oo caruurtii dayarta ahayd laga iibinayo oo lagu baabi’inayo. Waxaan halkan ugu digayaa in qaar horena sharciga la hor geeyay, ciddii dambe ee lagu qabtana sharciga la hor gayn doono oo talaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in sida kale ammaanka guud ee dalku yahay mid fiican oo aanay wakhtigan ka jirin wax caqbado ah, sidoo kalena maalmihii u dambeeyay ayaa la arkayay Basaska dadweynaha qaada oo ciidanka ka goo’gaynayaan Daahyada kadib markii lala xidhiidhiyay inay shilalka qayb ka yihiin.

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here