Tallooyin ku socda dhalinyarada nasiibka u heshay magacaabida madaxweynaha horey iyo dambe + hambalyada xukuumada( cagtaada halka aad dhigayso caqliga hubi baan idhaa) Dr.khadar maxamed faahiye.

0
456

Tallooyin ku socda dhalinyarada nasiibka u heshay magacaabida madaxweynaha horey iyo dambe + hambalyada xukuumada( cagtaada halka aad dhigayso caqliga hubi baan idhaa) Dr.khadar maxamed faahiye.

Tallooyin ku socda dhalinyarada nasiibka u heshay magacaabida madaxweynaha horey iyo dambe + hambalyada xukuumada( cagtaada halka aad dhigayso caqliga hubi baan idhaa) Dr.khadar maxamed faahiye.

Ninkii haybad lihi arin uu hoga-hogeeyaa
Meeshuu halmaan kaga jiruu haneed ka tiirshaa.
Meeshaanad lowga u dhigeyn kor uga leemaadi.
Lukowlaha kadhowr labana hawhoorin
Adigaa lamaantee ka dhowr laakudkiyo ceebta.
oo Ha leeleelin yaaney liican madaxnimaduye.

Meeriska nolosha ayey dabcigeeda tahey ahaanshaha ( qori isku dhiib, ama kaal la kala hor fulaayo) koox isku fac ah iyo kuwo kala fac ah , abuurida xillal cusub iyo buuxinta had ba kursigii banaanada ee hay’adaha qaranka ; ka dib la tashiga iyo soojeedinta dhinacyada ay khusayso iyo ku qanaco madaxweynahu ku go’aan qaato magacaabida shakhsiga u bilan hawl kar-nimada, shaqo hufnaanta,khibrada, waayo aragnimada, fahamka iyo aqoonta la biday.

Dhalinyaro badan oo dal joog iyo dibad joog ba ah ayaa nasiib u helay , sharafna ay u tahey ka mid ahaanshaha dhismaha qarankan Somaliland oo qaar heer qaran ah oo madaxweynuhu magacaabey iyo qaar heer wasaaradeed ah oo wasiiradu magacaabaan; tani waxa ay duruus iyo cashar u tahey ugu yaraan barashada habka geedi socodka hanaanka dawladnimo iyo habka bilida shaqada xafiisyada dawlada heer kasta oo ay yihiin ; si ay u layli baxaan ummadana u hogaamin karaan marka ay u bislaadaan.

Maxaa kula gud-boon marka aad xil umadeed hayso?! ( cagtaada halka aad dhigayso caqliga hubi baan idhaa !!!)

Marka aad masuul tahey xil umada u haya indhaha oo dhami wey ku soo eegayaan kuwo aad arkayso iyo kuwo aanad arkeynin; muhiimadu se waa in aad dareen sanaato, taagnaantaada, fadhigaaga, socodkaaga, tilmaantaada, labiskaaga, hadalkaaga,fikir kaaga ,qaabka aad go’aanka u qaadato, iyo tallaabo kasta oo dhan walba leh oo aad qaadaayiba ogaalkaaga iyo ogaal la’aantaada ba waxa ay ka turjumeysaa ( siyaasad ama aragti , qalooc ama gurac haduu galena siyaasada dhaqankeeda iyo cimiladaadu ma geydo soorey !! ) dhaqdhaqaaq kasta oo aad sameysaa dadka qaarna wey ku doogsadaan qaar kalena jidhka ay isgaliyaan oo ma jeclaystaan oo xumaantaada mooyee wanaagaaguba uu ka awdanyahey.
Waxa muhiim ah :-

1.ixtiraam iyo tixgalinta madaxda kaa sareysa xil ahaan iyo da’ ahaan ba iyo kuwa aad la simantahey; iskaashi , wada shaqeyn iyo isfaham isha gibidhsigeeda ah.
2.laasimida dulqaadka ,iyo degdeg la’aanta , deeqsiinta hadalka had ba qofka aad xidhiidhaysaan, u meel dayga go’aan qaadashada , hubsiimada iyo fiiro dheeraanta,
3.xog-ogaalnimada , dhagaysiga iyo dhugashada cabashada, catawga, hambalyada iyo dhiirigalinta bulshada aad u adeegayso.
4. Adkaysiga dhibta kula soo darista adigoo hab san u furdaaminaya.
5.Adeegsiga waji dabacsan iyo ku qaabilida laab u furan dadweynaha adigoo sida ugu haboon u qancinaaya qof kasta.
6.laasim oo joogtee runta iyo tilmaanta dhaw, kalahaad iyo shaqo hufan.
7. mar walba dadka bushaaro iyo wax-san u sheeg xataa haduu xaalku dacar ka qadhaadhyahey; adigoo isku dayaya in aad kor u qaado mooralka qof kasta oo aad shaqo wadaagtaan ama kuu shaqeeya.

Gunaanad :-
Uu muuqdaa mana qarsoomo hadii fashil ku yimaado xilka dhalinyarada loo dhiibaa!!; aad baana loogu wiirsadaa oo dacaayada iyo ceebtuna wey qaban ogtahey; marka loo eego raga waaweyn ee soo jireenka ahaa , waxaana layidhaa waa ( ciyaaloo uu ciyaaleeyey ama waa dhalinyaroo uu la dheeliyey).
Ninka dhalinyaro ah ee inta xil loo igmado sida ay tahey uga soo dhalaala ee guulo soo hooya ; waxa uu jabinayaa dayrkii iyo soo jireenkii soomaalidu rumaysnayd waayo dureed ee aheyd ( Nin yari intuu geed ka boodo ayuu arin ka boodaa), waxa uu ka xoreynayaa dhalinta heeryo iyo diilin goof aheyd oo dulsaarneyd waayo badan.
Waxaanu dhiiri-galinayaa dhalinyaro kaloo badan in loo magacaabo xilal hor leh oo ay baarka ka jaraan guntinta xadhkihii xanibaayey soo bandhigida awoodahooda qarsoon ugana faa’idayn lahaayeen dadkooda iyo dalkooda ba.

Ninka dhalinyarada ah ee inta xil loo dhiibey la dheeliya , ma fashilinin naftiisa oo kaliya ee xataa waxa uu fashiliyey dhamaan dhalintii la ayniga aheyd ee hanka lahayd ee mar uun naawilaysay in ooda laga rogo si ay dadka iyo dalkaba ugu faa’ideeyaan , waxa uu caynka iyo bayda ku sii giijinayaa fursadihii ay heli lahaayeen dhalinyaradu.
Sidaa daraadeed masuuliyiintu cagtooda halka ay dhigayaan cagligoodu ha hubiyo.

waxa aan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo dhamaan xukuumada xisbiga kulmiyey sida ay u dhiirigalinayso ,u kobcinayso dhalinyara iyo ubaxa dalka ee mustaqbalka iyo indhaha u ah qarankan Somaliland.

Dr.khadar Maxamed Faahiye
dr.khadar05@gmail.com