Tanzania: Gadood Ka Dhashay Macalimiin Si Arxadan-daro Ah U Garaacay Arday

0
778

Tanzania: Gadood Ka Dhashay Macalimiin Si Arxadan-daro Ah U Garaacay Arday

Masuuliyiinta dalka Tanzania, ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo muuqaal muujinaya shan macallin oo si arxan darro ah u gaaracaya arday.
Maamulaha Iskuulkaasi oo ku yaalla magaalada Mbeya ee Koonfur Galbeed dalkaaasi ayaa shaqada laga joojiyay.
Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in maamulaha iskuulkaasi , Margaret Haule, laga joojiyay shaqada sababtana ay tahay in aysan tallaaba ka qaadin macallimiinta inkasta oo ay ogeyd waxa dhacay.
Muuqaalkan oo si aad ah dadka ay iskula wadaageen baraha bulshada ayaa waxa la arkayaa iyada oo dhowr rag ah ay si qasab ah wiilkaasi dhulka ugu hayaan oo ay laad iyo dharbaaxyo ku dhufanayaan, Ciqaabaha noocaan oo kale ah ayaa mamnuuc ka ah dalka Tanzania.
Muuqaalkan oo soconaya 38-ilbiriqsi ayaa cadho badan ka dhaliyay dhanka baraha bulshada, iyadoo dadka reer Tanzania, ay dowladda ka dalbanayaan tallaabo ka dhan ah macallimiinta ardayga garaacayay.
Fiidiyowga ayaa u muuqda in lagu duubay qolka macalimiinta ay ku nastaan, waxaana la aaminsan yahay in wiilka dhibanaha ah ay da’diisu u dhaxeyso 16-17 sano.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Tanzania, Mwigulu Nchemba, ayaa sheegay in dowladda ay dirtay koox baarayaal ah oo ka socda wasaaradda waxbarashada iyo koox dhinaca ammaanka ah si loo baadho arrintan ka dhacday dugsiga sare ee Mbeya.
Falkan ayaa sida la sheegayo la duubay 28-ka bisha September waxaana duubay macallin aanan ka mid aheyn kuwa arrintan geystay, oo isaga laftirkiisa su’aalo laga weydiiynayo dhacdadan.