Tarsan oo taraansit ku marau Madaarka Hargeysa iyo Qodob uu ku Majeertay oo uu Muqdisho kula Taliyay

0
316

Hargeysa(Warsugannews)-Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo hore u noqday duqa magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya, ayaa wuxuu dhawaan taraansit ku maray madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, ee caasimadda Somaliland.

Qoraal uu Mr. Tarsan ku qoray barta uu ku leeyahay facebook, wuxuu ku soo bandhigay qodob uu u bogay oo laga hirgeliyay madaarka Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isagoo kula taliyay inay Muqdisho kaga dayato qodobkaas. Qoraalkaas Mr. Tarsan oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan “Laba asbuuc iyo wax la jira ka hore waxaan transit ku soo marey Hargeisa aniga oo ka imid Dubai. Waxaa i soo jiitey wax aan ku arkey airporka Hargeisa oo ruuntii ka maqan airporka Mogadishu oo aan jecelaanlahaa in dadka masuulka ka ah airporka Mogadishu in ay uga deydaan.

Diyaarada oo fadhida ayaa waxaa yimid baabuurka diyaaradaha siiya petroolka. Waxaa saarnaa sadex wiil oo dhaliyaro ah shaqadoodu tahay in ay diyaaradaha petrool siyaan. Isla markiiba waxaa asna soo ag istaagey nin dhaliyaro ah oo ka tirsan amniga garoonka, wuxuu hal hal u soo dejiyey dhalintii baabuurka wadey wuxuuna u baarey hal hal dabadeed waxey bilaabiin in ay shaqadooda qabsadaan. Arintaas dadka waxay ula muuqani wax caadi ah laakiin meesha aan rabo in aan ka fiiriyo waxaa waaye ninkaan amniga ah iyo dhalinta baabuurka petroolka ka shaqeysa wey is yaqaanaan mudo badan ayey ka shaqeynahayeen airporka, waxaa laga yaabaa in ninka amniga ihi in uu u yaqaano qos ahaan iyo reer ahaan, taasna kama reebin in uu nidaamka jogtada marsiiyo. ( daily work procedure) oo ah in uu baaro dadkaas ha yaqaano ama yuusan aqoonine. Waani (security procedure) waxaa kale oo iso jiitey diyaarada agteeda kuma arkeysid dad is dhex yaacahaya, qof kasta ma soo dhaafikaro meesha ay shaqadiisu ku egtahay.

Intaas Airporka Mogadishu oo ka mashquulsan midka Hargeisa ma laga hirgelinkaraa oo qofkasta ma ku ekaankaraa meesha ay shaqadiisu ku egtahay? Waxaan aragnaa ayada oo masuul sare madaxweyne uu imaanahayo in diyaarada hoosteeda aad ku arkeysid dad badan oo aan wax shaqo ah aan ku la heyn. Arintaas waxay khatar ku tahay amniga dadka masuulka ah iyo amniga diyaarada. Nidaam xumadaas waxay keentey in shirkada fly Dubai markii ay qeymeysay airporka Mogadishu iyo midka Hargeisa in ay dooratey in ay Hargeysa ay timaado waayo Airporka Mogadishu dadku xuduud ma kala laha oo ma kala garankartid dadka is dhex yaacahaya marka diyaarad soo degto. arintaan yaan loo bedelin xumaan waxaan rabaa in aan ku baraarujiyo in wax la saxo siyaasadna ka fog.”

Xigasho Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here