TARTANKA GOBOLADA SL: Xulka Gobolka Awdal Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Kooxda Gobolka Sanaag Xili Bahdoon Axmed Hadliye Uu Laba Gool Sanaag Dhulka Ku Jiiday

0
506

Maalintii labaad waxaa si habsami ah Hargaysa Stadium uga socda tartanka gobolada Somaliland wareegiisa labaad waxaana kulankii galabta fooda isku daray xulalka gobolada Sanaag iyo Awdal oo ah laba xul gobol oo khibrad wayn u leh tartanka kubbada cagta gobolada Somaliland.

Sanaag iyo Awdal ayaa ka mid ahaa sideedii xul gobol ee ka soo baxay wareegii isreeb reebka tartanka gobolada Somaliland ee hore loogu soo qabtay gobolada Togdheer iyo Awdal. Kulankan ayaa ka tirsanaa Group A oo ay ku wada jiraan gobolada Saxaaxil, Xaysimo, Awdal iyo Sanaag. Kulankii furitaanka Saaxil ayaa saddex dhibcood oo muhiim ah ka heshay kulankii Xaysimo waxayna guul ku gaadheen 4:0, sidaa daraadeed Awdal iyo Sanaag ayaa doonayay in ay kulankan guul ka gaadhaan.

Qaybtii hore ee kulankan xulka gobolka Awdan ayaa awooday in ay dhinac dhulka u dhigaan Sanaag isla markaana ay gool kaga hormaraan kadib markii uu ciyaartoyga Bahdoon Axmed Hadliye kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 uu xulka gobolka Awdal hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Balse xulka boqolka Sanaag ayaa dadaal badan u sameeyay sidii ay iskaga soo celin lahaa goolka looga hormaray laakiin ciyaartoyda Sanaag ayaan fursado fiican u abuurin gool dhaliyahooda Sikaawo oo aan sidoo kale ka faa’iidayn fursadii fiicnaa ee uu helay, waxayna qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Awdal hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo labtay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka gobolka Sanaag ayaa bilaabay in ay si xoogan ku raadiyaan goolka barbaraha halka gobolka Awdan uu bilaabay in ay si adag u difaacdaan natiijada ay ciyaarta hogaankeeda ku hayeen.

Laakiin markii ay qabtii danbe ee ciyaartu muddo socotay isla markaana Sanaag laga filanayay in ay barbaraha keensan karaan ayuu xulka Gobolka Awdal markale ismuujiyay waxayna heleen goolkooda labaad ee ay niyada kaga jabiyeen wiilasha Sanaag waxaana markale goolka labaad Awdal u saxiixay isla ciyaartoygii goolka hore dhaliyay Bahdoon Axmed Hadliye kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Awdal hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Run ahaantii goolkan ayaa ahaa mid ay Awdal si wayn ugu baahnayd maadaama ay Sanaag culays ku haysay isla markaana ay si xoogan u raadinaysay goolka barbaraha. Ciyaaryan Bahdoon ayaa nooc kasta oo dhibaato ah ku abuuray difaaca Sanaag wuxuuna goolka labaad Awdal siiyay kalsooni buuxda oo ay ciyaarta gacan ku haynteeda si dhab ah ula wareegeen.

Xulka gobolka Awdal ayaa iska lumiyay fursado cajiib ahaa oo ay goolal kale ku dhashan kareen waxaana amaan ku lahaa goolhayaha xulka gobolka Sanaag oo fursado goolal loo fishay ka beeniyay ciyaartoyda gobolka Awdal oo sii laba jibaaray dardartii ay ciyaarta ugu heleen goolka labaad.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 uu xulka gobalka Awdal ku dubtay xulka gobalka Sanaag, wuxuuna Awdal la dhibco noqday gobolka Saaxil oo isna shalay guul wayn ka gaadhay gobolka cusub ee Xaysimo. Waxaana Group A min 3 dhibcood leh Saaxil iyo Awdal halka Sanaag iyo Xaysimo ayna wali wax dhibco ah lahayn.

1- Xulka Gobolka Saaxil =3 Dhibcood, +4 Gool.

2 -Xulka Gobolka Awdal=3 Dhibcood, +2 Gool

3- Xulka Gobalka Sanaag = 0 Dhibic, -2 Gool

4- Xulka Gobolka Xaysimo= 0 Dhibic, -4 Gool