Thomas Muller oo Doonaya Inuu Ku Biiro Manchester Utd

0
515

Thomas Muller oo Doonaya Inuu Ku Biiro Manchester Utd.

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in uu isaga tago naadigiisa kuna biiro Manchester Utd.

Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayaa waxaa ka dhiman oo ka harsan 12 maalmood oo kaliya waxaana Manchester United ay si xoogan u xiiseenaysaa Thomas Muller.
Manchester Utd ayaa miiska soo saartay lacago dhan 59.8 milyan oo gini oo ay ku doonayso inay kula soo wareegto weeraryahanka wadanka Jarmalka Thomas Muller.
Wargayska Daily Star ayaa qoray in Manchester United ay u hanqal taagayso inay lasoo wareegto Thomas Muller waxaana todobaadkii ay u bandhigtay mushaar dhan 250 kun oo Gini oo ay kaga dhaadhicinayso Thomas Muller oo 25 jir ah inuu ku biiro Manchester Utd.
Thomas Muller ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda ku ciyaarto garoonka Allianz Arena ee Bayern Munich ayaa dhacaya sanadka 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here