Tixraacid, Maqaalka Ay Qortay Ifraax Cali Kirix( Dad Caadaalad Waayaa Sidii………………..)

0
387

Tixraacid, Maqaalka Ay Qortay Ifraax Cali Kirix( Dad Caadaalad Waayaa Sidii………………..)

Anigoo tixxraacaya Maqaalka ciwaankiisu ahaa DAD CADDAALD WAAYAA, SIDII CAWSHA KALA YAAC oo ay iananta layidhaahdo Ifraax Cali Kirix ku qortay qaar ka mid ah warbaahinta dalka taariikhdu markay ahayd Tuesday, August 25, 2015, kaasoo ay kaga hadashay sida Musuqmaasuqa iyo wax isdaba-marintu ay dhexdeena caadi uga noqotay, uguna dhex-milantay hab-nololeedkiina maalinimo ee caadioga ah, waxaana isoo jiitay sifaha inantani siisay kan wax isdaba-marinaya oo ay ku micnaysay tuug xadaya maalkii, iyo amaanadii lagu aaminay, su’aasha isweydiinta lihina waxay tahay, sidee umad tuuganimada qalinku ay dhexdeeda ceeb ka ahayni ay ku hiigsan kartaa horumar iyo badhaadhe inay ku naalooto? Umad ahaanse, ma is weydiinay, farqiga u dhaxeeya Tuuga Guryaha udhaca ee wax xadda, Tuuga wax la carara, iyo Tuuga xafiiska fadhiya ee qalinka wax ku xadaya? Maxaa aynu midna Tuug ugu naqaanaa, midna ugu shaaxad tagnaa (Tuugga qalinka sita)? Waxaa muuqata inaynaan ahayn umad wacyi ahaan bisil, una taqaana hantida guud wax furan in la xado oo lagu takri falo, hantida gaarka ahna ee qof leeyahayna u taqaan inay xaaraan tahay in la xado, ama la dhaco, halka ay labadaba ay diin ahaan xaaraan tahay in la dhaco, ama la xado.

Jirtitaanka arimahana waxaa sabab u ah faham la’aanta inaga haysata dawladnimada iyo isla xisaabtanka, wax-wada-lahaanshaha iyo ilaalinta danta caamka ah, taasoo ah waxa fadhiidka inaga dhigay ee asaageen inaga reebay, si kastaba ha ahaatee, inkastoo si aad u qurux badan ay inantaasi usoo qortay maqaalkaas, hadana malaha waxaa wacnayd inay soo raaciso waxa ay shakhsi ahaan xal u aragto in lagu masixi karo dhaqankan tuuganimadda sharcoiyaysan ku qotoma ee dhexdeena caadiga ka noqday, aniga shakhsiyan, waxay ila tahay in arintan lagaga bixi karo oo keliya, iyadoo umadda laga soo dhiso seeska hoose, lana sameeyo doodo iyo barnaamijyo wacyigelineed oo umadda looga digayo halaaga tuuganimadda iyo wax isdabamarinta hantida umaddu ay u leedahay hanaqadka horumarkooda, laguna dhiirigeliyo umadda in marka ay wax dooranayaan ay ku doortaan cidda ay dooranayaan Amaano hays, alle ka cabsi, sumcad, karti, iyo inaanu qofkaasi ahayn mid adduunyo qaadatay oo madax-martay, halka ay maanta kaga doorato inuu leeyahay sifaha afshaarnimada, cid wax la booby karo, iyo reernimo.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay Ilaahayow, na waafaji sida noo khayrka ah Aakhiro iyo Aduunyaba adigaa garanaya’e

Wa Bilahi Towfiiq,

Hussein-Lucky Mohamed Mohamood,

Burco,

Email, husseinlucky@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here