Toni Kroos Oo Qandaraaska U Kordhiyay Real Madrid Isagoo Noqday Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Taariikhda Jarmalka.

0
529

Kooxda Real Madrid ayaa goordhaweyd ku dhawaaqday inay heshiis kala gaareen xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka Toni Kroos uu qandaraas kordhin u sameeyo kooxda isagoo Real Madrid ku sii negaan doona ilaa iyo 2022.

Toni Kroos ayaa qandaraaskiisii hore waxa uu dhici lahaa 2020, laakiin kooxda Los Blancos ayaa u aragtay xiddig muhim u ah kooxda waxaana ay ugu kordhiyeen labo sannadood kale.

Warbixin ay soo saartay Real Madrid ayaa lagu yiri: “Real Madrid iyo Toni Kroos waxa ay ka heshiisyeen in qandaraaska loo kordhiyo ciyaaryahanka oo sii joogi doona kooxda ilaa iyo 30ka Juun, 2022.

“Maalinta Khamiista 1:30pm (3:30 pm Saacada Geeska Afrika) ayuu Toni Kroos ka soo hor muuqan doonaa saxaafada isagoo shir jaraa’id ku qabanaya Santiago Bernbeu.”

Xiddiga Jarmalka oo qandaraaskiisii hore ka qaadanayay Real Madrid mushahar gaaraya 11 milyan euro sannadkii ayaa haatan qandaraaskiisa cusub qaadan doonaa ku dhawaad labo jibaarka lacagtaas isagoo canshuurta ka hor qaadan doona 20 milyan euro xilli ciyaareedkii.

Wadar ahaan qandaraaska cusub ee Toni Kroos ee mudada shanta xilli ciyaareed waxaa ku bixi doona 120 milyan euro.

Kroos ayaana noqday xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda Jarmalka. Waxa uu markii hore ka danbeeyay xiddiga Bayern Munich Thomas Müller (€15 million), kan Manchester United Bastian Schweinsteiger (€14 million) iyo Ilkay Gündogan oo Manchester City xilli ciyaareedkii ka qaata 12 milyan euro.

Kroos ayaa kaga soo biiray Real Madrid kooxda Bayern Munich xagaagii 2014 heshiis gaarayay 30 milyan euro. Kaliya labo xilli ciyaareed waxa uu u saftay 108 kulan waxaana uu u dhaliyay afar gool, waxa uu mudadaas ku guuleystay Champions League, Koob Adduun iyo labo European Super