Topnews:-Wararkii Ugu Dambeeyey Loolanka Ra’iisul Wasaare Ee Ka Socda Muqdisho

0
296

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay Shirar kala duwan oo ay leeyihiin xildhibaanada kasoo jeeda beelaha loo qorsheeyay in ay qaataan xilka Ra’iisulwasaaraha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa qaabilaya Siyaasiyiin kala duwan , kuwaa soo doonaya in ay noqdaan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Xilka Ra’iisulwasaaraha oo la aaminsan yahay in uu noqon doono mid muran badan dhalin doona waxaa ka taagan loolan adag.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Beelaha ku loomaya xilka Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa  sheegay in aan wali la isku afgaran cida sida rasmiga ah loo siinayo xilka Ra’iisulwasaaraha dalka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa shaqada koowaad ee laga rabo waxaa ay tahay in uu soo magacaabo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya , kuwaa soo hogaamin doona xukuumada Soo socota.