Topnews:Boqortooyada Ingiriiska Oo Jawaab Ka Bixisey Dalab Ay Xukuumadda Somaliland Hore Ugu Gudbisay.

0
765

Xukuumada Ingiriiska ayaa jawaab ka bixisay dalab xukuumada Somaliland kaga codsatay inay kaalin goobjooge-nimmo ku yeelato wadamadda Barwaaqo-sooranka, oo shalay lagu weydiiyey
baarlamaanka Ingiriiska.

inkastoo aan la shaacin wakhtiga xukuumada Somaliland u gudbisay dalabkeeda kaalin goob-joogenimmo inay ku yeelato Wadamadda barwaaqo-sooranka ayaa xildhibaan Andrew Rosindell su’aal ka jeediyey fadhigii baarlamaanka u dhignayd, “Hadaan weydiiyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka, waa maxay siyaasada waaxdiisa ka qaadatay dalab Somaliland ku doonaysay kaalin goob-joogenimmo ay ku yeelato Wadamadda barwaaqo-sooranka.
“Ma jiro kaalin goob-joogenimmo ama ka mid ahaansho la xidhiidha oo Wadamadda Barwaaqo-sooranku leeyahiin,” ayuu yidhi Mr. Tobias Ellwood, Wasiiru-dawlaha xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka.
Mr. Ellwood oo ka jawaabayey su’aasha laga weydiiyey fadhigii baarlamaanka shalay ayaa yidhi, “Shuruudaha xubinnimada waxa ka mid noqon kara dal xor ah, isla markaana Somaliland weli aqoonsi caalami ah ma helin. Mowqifka Ingiriisku waxuu ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya go’aanka gaadhaan mustaqbalkooda, oo wadamadda jaararku hormood u noqdaan aqoonsiga waxa ka soo baxa.
Inkastoo xukuumada Ingiriisku weli ku xidhayso Soomaaliya aqoonsi ay siiso Somaliland, sida wadamada kale, haddana, dalabka goob-joogenimmada ayaa sii bayaaminaya hadafka shacabka Somaliland ugu diyaar yihiin helitaanka madaxbanaani buuxda, hadii natiijo waara laga gaadho wadaxaajoodka u dhexeeya Soomaaliya iyo hadii kale.