TURKEY: Baarlamaanka oo meelmariyay sharci cusub oo awood dheeraad ah siinaya madaxweyne Erdogan

0
339

Baarlamaanka Turkiga ayaa si hordhac ah u meelmariyay dastuur cusub oo awoodo dheeraad ah siin doona madaxwayne Recep Tayyip Erdogan. Waxaa jiri doona wareeg labaad oo xildhibaanadu ay u codayn doonaan todobaadkan haddii ay meelmariyaanna afti ayaa la qaadi doonaa.

Dadka go’aankan dhaliishan waxay sheegayaan in arrintani ay ka dhigan tahay in Erdogan uu awoodda maroorsanayo.

Laakiin madaxwaynuhu wuxuu sheegay in isbadalkan uu la simi doono madaxda Faransiiska iyo Maraykanka.
Dastuurkan cusub wuxuu ogolaan doonaa in madaxwaynuhu uu magacaabo ama shaqada ka eryo wasiirrada iyo in uu meeshaba ka saari karo ra’iisal wasaaraha waxayna arrintaasi noqon doontaa markii u horaysay taariikhda Turkiga.

Taas badalkeedana waxaa jiri doona ugu yaraan hal madaxwayne ku xigeen. Qodobada dambe ee dastuurka waxaa la ansixiyay xilli dambe oo Axaddii ah, xisbiga talada haya ee AKP ayaana helay tiradii xusbnaha baarlamaanka ee ay u baahnaaayeen.

Todobaadkii horana dagaal ayaaba ka dhacay baarlamaanka dhexdiidsa ka dib markii xildhibaanno ka tirsan xisbiga AKP ay isku dhaceen xubno ka tirsan xisbiga CHP, ka dib markii uu xildhibaan isku dayay in uu duubo intii ay doodu socotay.

Xisbiga CHP ee ugu wayn mucaaradka dalkaas ayaa ka soo horjeeda isbadalladan dastuurka lagu samaynayo.

Xisbiga Kurdiyiinta taageersan ee HDP ayaan iyagu ka qaybqaadanin codaynta. Qaar ka mid ah xildhibaanadooda ayaana loo xiray in ay taageersan yihiin malayshiyada Kurdiyiinta.

Xisbiga HDP wuxuu sheegay in codayntan ay tahay mid muran ku jiro maadaama aysan xaq u lahayn in ay ka qaybqaataan.

Xisbiga AKP in ay helaan aqlabiyaddii ay u baahnaaayeen waxay ku tiirsanaayeen xisbiga dhanka midig u janjeera ee NMP oo ah xisbiga afraad ee ugu xildhibaaanno badan baarlamaanka.