UEFA Oo La Filayo Inay Ganaax Gadhka U Geliso Kooxda Man City – (Oo Maxay Samaysay..?))

0
372

UEFA Oo La Filayo Inay Ganaax Gadhka U Geliso Kooxda Man City – (Oo Maxay Samaysay..?))

Si ay u muujiyaan inay ka soo horjeedaan shuraacda gaarka ah ee UEFA ayay taageerayaasha Manchester City habeenkii Khamiistii ay aad ugu qeyliyeen heesta astaanta gaarka u ah Champions League-ga.

Manchester City ayaa kulan Champions League ka tirsan waxa ay la ciyaartay kooxda Sevilla waxaana ay ku adkaatay 2-0. Haddaba xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa aad iyo aad uga cadhooday qayladii ay kulankaas ku qeyliyeen heestii UEFA, waxaana laga yaaba in City ay ku muteysato ganaax.

Kooxda Manchester City taageerayaasheeda ayaa aad uga cadheysan sharcigii dhaqaale wanaaga FIFA ee City loogu diiday inay ku soo iibsato xiddigo waa weym. Waxaa loo badinayaa in Manchester City la ganaaxo, iyada oo la filayo in ganaaxaasi uu noqdo mid lacageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here