Ugandha oo sheegtay in ciidankeeda Soomaaliya ku sugan ay dhawaan helayaan mushaaraadkooda

0
347

waaxa qoreya yaasir br

Taliyaha ciidanka difaaca ee dalka Uganda, MR. Edward Katumba ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in Ururka Midowga Yurub ay bixiyeen Mushaarka Ciidanka Uganda ee jooga dalka Soomaaliya.Wamala ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub ay $ 4.9 Milyan oo dollar ku wareejisay Bangiga dhexe ee dalka Uganda, taasi oo ay Dowladda siin doonto Ciidankeeda ka tirsan Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in lacagtaasi oo ay Uganda ka heshay Midowga Afrika loo sheegay in Midowga yurub ay bixiyeen islamarkaana Ciidanka Uganda lagu wareejinayo Bisha January ee Sanadka soo socda.

Hadalkan ayuu ka sheegay Xerada tababarka Ciidanka Uganda ee Nakaseke ee dalkaas ku taal halkaas oo uu tababar ugu soo xiray 2,745 Askari oo Todobaadka soo socda loo soo daabulayo dalka Soomaaliya, waxaana ay beddeli doonaan Guutada UGABAG 17-aad oo uu dhamaaday waqtigoodii Soomaaliya ay ku sugnaayeen.

Dib u dhaca mushaarka ciidanka ayuu ku sheegay inay mas’uul ka ahayd Dowladda Uganda oo dood adag ka gashay in la dhimay mushaarka la siin jiray askarigiiba oo ahaa $1028,halka Midwga Yurub ay doonayeen in ay ka dhigto $828 taas oo ay ku sheegay inay Uganda diidday, kadibna ay labada dhinac saxiixdeen is afgarad cusub oo dhigaya in mushaarka intii hore laga dhimo