UN Maxay Ka Qaban Kartaa Bililiqaysigga Soomaaliya?

0
607

UN Maxay Ka Qaban Kartaa Bililiqaysigga Soomaaliya?

Dawladahaan oo haystay (haysta) taageerada beesha caalamka ayaa dhamaantood ku guulaysan waayey inaay kasbadaan tageerada shacabka Maqalkan waa maqaalada aan kaga xogwaramo arimaha bulshada iyo siyaasada ee Somaliland badiyaaba. Balse maqaalkan ayaa maanta ila caardaya inaan ku lafagaro, maqaalo xidhiidha oo warbaahinta beesha caalamku ay kaga waramayeen xalaada Soomaaliya, gaarahaan boobka ay dalal iyo shirkado beesha caalamka ka mid ahi ay ka wadaan dalkaasi. Warbixinaddii ugu dambeeyay halka boobka iyo biliqada Soomaaliya lagu badhtilmaamsaday khayraadkeeda ayaa lagu soo daabacay, Jaaridka la yidhaa – The Times ee dalkan Ingriiska nuqulkii soo baxay shalay 28 August 2015 boogiisa wararka caalamka. Hadaba warbixintaasi ayaa maqaalkani daraana yahay, taaso ku qaala dhigi doono warbixinadaasi la isku dultaagay baaxadda boobka iyo biliqaysiga ku socoda Soomaaliya. Iyo ka Somaliland

ahaan maxaan ka baran karaa si aynu uga gaashamano inaynu ku dhacno dabinkaasi walaaladeen Soomaliya ku dhaceen?

Intaana daaha ka rogin warbixiinadaasi – The Times ee shalay 28 August 2015, the Wall Street Journal, Fadhi UN ka yeelatay, bal han xusno xaalada iyo duruufaha ku gadaaman horseedayna inay Soomaaliya noqoto raq habar dugaag oo dhan iskugu yimid. Soomaaliya ayaa ilaa intii burburku ku dhacay ayaa taladeeda ay ku hirdamayeen saddex kooxod:

1. Dawladdihii kumeelgaagdhka ahaa ee beesha caalamku ay wateen, sidii tii uu hogaaminaayey, Cali mahadi, Cabdi-qaasim, Cabdillahi Yuusuf iyo Shariif Xasan iyo Dawlada Maanta ee loogu Yeedho Federaalka.

Dawladahaan oo haystay (haysta) taageerada beesha caalamka ayaa dhamaantood ku guulaysan waayey inaay kasbadaan tageerada shacabka iyo dhisida qaran Soomaaliyeed, tasoo oo lagu sababeeyo iyagoo dhamaantood ay ka dambeeyen yagleelkooda dawlado shisheeya ah oo mid waliba leeyahay dano gaar ah iska soo horjeeda oon nasteexo u ahayn dhisida qaran Soomaaliyeed oo dib uga soo doogsada burburkii ku dhacay. Dalalkaasi ayaa ahaa warabaayal aan oglayn Soomaaliya inay kacdo balse mid waliba geestiisa raqdaa candhada gooynayey – waatii la yidhi, Ruqe Ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo.

2. Kooxihii la baxay dagaal ogayaasha ama jabhadiihii qabiilka iyo qabyaalada ku dhisnaa, sida kuwii uu hogaaminaayey, Caydiid, Muuse Suudi, Cabdi Qaydiid, Cismaan Caato iyo qaar kale oo badan. Kuwaasi ay dhamaantood ku guulaysan inay soo dhisaan dawlad dadka iyo dalkii Soomaaliya ka samatabixisa burburka iyo barakaca ku habsaday. Balse ay ahyeen kuwa u raran qabiil iyo qabyaalad lid ku ah wadajirka iyo dib u yeegleelidii qarankii Soomaliyeed.

3. Kooxihii u tafa-xaytay in burburka Soomaaliya lagaga bixi karo dadka iyo dalka oo lagu hogaamiyo diinta Islaamka. Kuwaasina waxaa ka mid ahaa, maxkamadihii Islaamka oo iyagu aad ugu dhawaaday inay khilaafkii Soomaaliya ka jiray ay dawo u noqdaan ama so af-jaraan. Balse iyaga laftoodu hogaan xumo iyo koox dhexdooda iska khilaafsan oo kukala aragti fog hogaaminta iyo talada kalana amar qaadan ay soo dadajiyey burburkooddii. Burburkaasi baa sabab looga dhigaa markay iyagoon raad baran ay ku baqeen inay ADDIS ABBABA qabsadaan. Tanina waxay keentay in Ethiopia ay African UNION, EU iyo Marykankuba ay kula taliyeen in dabkaasi intaanu qabsan ay iska damiso.

4. Kooxda Alshaaab: Alshabab oo ka mid ah xag jirayaashii maxkamada Islaamka. Waxay awodoodu cirka isku shareertay markii ay Dawladda Ethiopia ay qabsatay maglaalo maddaxddii Soomaaliya ee Muqdisho, islamarkaana ay jabisay ciidamaddii maxkamada Islaamka iyagoo tageero ka heelaya dawlada Marykanka.

Kooxdan ayaa iyana wado khaldan martay markii ay xulufaysteen argagaxisada caalamka, islamarkaan ay dadkii Soomaliyeed ee ay u kaceen difaacooda kula kaceen xasuuq bilaa naxariisa. Kooxdan ayaa noqotay dhibaatooyinka ugu waawayn ee umada Soomaliyeed haysta. Waxaana ay yeelataa tageero kolba ku xidhan xalaada jirta iyagoo isku tusa ina Soomaaliya loogu heesi lahaa hadaan iyaga laga baqanayn.

Hadaba hadaan dib ugu noqodo muwduuca maqaalkan een ku eegayo nuxurka warbaahinta caalamka iyo United Nation bilahan lagu lafa guraayey, ayaa hadaba ahaa. Soomaaaliya oo xaladaahaasi kor aan ku xusnay dhaxalsiiyeen in boob iyo biliqaaysi dalal iyo shirkado ka mid ah calaamka oo gacan saar lala leh maddaxda ugu sareeysa ee dalkaasi kula kacaan. Jaaridka , The Times ee cadadkiisi shalay ayaa xusay in Shirkada Soma OIL and Gas ay bililaqaysanayso khayraadka dabiiciga ah ee dalkaasi, taaso oo ay dilaaliin u yihiim maddaxda dalkaasi oo la dhaafsaday shilimaan ay khayraadkii dalka u siyeen si aan caqaliga gali karin, arinkani waxaa uu khasbay in xafiisyada shirkadaasi ay baadhitaan ku sameeyaan, xafiiska la dagaalanka Musuq Maasuqa ee Dalkan Ingriiska ee la yidhaahdo (Serious fraud Office). Sirtan waxaa daha ka Rogtay, The Wall Street Jornal. Kenya ayaa iyadoo biliqadaad ka qayb qaadanaysa ayaa iyana dib u jeexaysa xuduuda badaha Soomaaliya si ay u boobto khayraadka ku duugan xeebaha Soomaaliya.

Hadba la soco qaybta labaad ee warbxintan iyodoo dhan kuwasoo bu dhig u yihiin – The Times Aricle iyo The Wall street Jornal oo iftiiminaya baaxada bililiqda iyo boobka khayraadka Soomaaliya lagu hayo iyo doorka ay UNITED NATION isku dayayaan inay ku hakiiyaan boobkaasi dalal beesha caalmaka iyo shirkodo ka kid mid ahi kula kaceen iyo waliba maddaxda ugu sareeysa Soomaaliya oo shirikadaahasi iyo dalalkaasi shuraako kula ah…. Way socotaa (it continues)

Waa aragtiddii Axmed Cabdi ciise

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here