Unuggii Qarsoonaa. W/Q Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf Zaciimka

0
550

Unuggii Qarsoonaa.
W/Q Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf Zaciimka

Marka horeba waa iilla muuqday in uu yahay ruux cilmi la gaamuray, hadalkiisa iyo odhaahdiisa marka uu tabinayo dhib iyo ducasho kuma keeno. si caadi ah ayuu isaga hadlaa, hase ahaatee marka hadalkiisa afkiisa kasoo baxo,waa ku xanxantaynayaa. kuna xaradhaaminayaa, dareemayaasha jidheed ee aad leedahay ayaad moodaa in uu waax-waax ulla hadlayo, midhka uu Afka kaa leeyahay, waxa kaaga daran midhka uu kuugu gudbinayo gacmaha, madax iyo meelkasta jidhkiisa ka mid ah wuu dhaqdhaqaajinayaa. macaansiga hadalka waxa kaaga daran israacinta ficilka iyo ku muujinta xubnihiisa hadalkiisa kama jeedsanaysid.
Muuqaalkiisa guud, guullane waxa uu guudkiisa sudhay dherer qurxoon, wallaw hadda dhabarkii soo gotay, sida qaansada, timo wayn oo cad, oo cufan, gadh cad oo wayn oo hadana cufan, kabaha uu illan yahay buudh madaw oo aan wax baalash ah lahayn, iyo koodh suudh ah midabkiisu madaw yahay, shaadhka hoosta ayuu ka mariyay inkastuu suunku aanu qurxoonayn, shaadhka qudhaddiisa raqaabada gangan xoog badan ayaa ka taagnaa. tolow ma burushka ayaa xoog loogu xoqay, ayaa ugu wacnaa? wax ugu wacnaaba! meel dheer ayuu ka muuqanayey raqabada burusku daashaday.

Sheekada ayaa isugu kaaya dhacday,walow aan cindiga ku hayey hawl yar oo iga qabyo ahayd in aan soo qabsado,hadana waxa aad moodaa in ay wax igu nabayaan kursiga aan fadhiyo sida magnadka ina soo jiidanayaan, madasha fadhigu may ahayn madal wayn oo waaheelan, tobaneeye qof ku dhaw, marka hore anaga ayaa goobta fadhinay isna meel agtayada ayuu fadhiyay hadalkayaga iyo sheekadayada ayaa ku soo duul duulaysay, walow intii danbena ardaaga aannu wadaagnay.

Daf namuu soo odhan sidii daadkii xaabaale, adeer sheeko fiican ayaad wadaan maxaad ka qabtaan haddii aan idin la wadaaago?. goorahanba waan idiin jeeday oo waan idin dhagaysanayey ayuu yidhi. waxaanu nidhi. adeer soo dhawaw waad nala haasawikartaa waanu cawaynanay uun. Intaa wixii ka danbeeyay sida hal ibo naasawayn ayuu afkiisu u godladay ogadii horeba, waxa uu ku ibo-furay afkaar curdin ah. laakiin masgax gabawday ka soo burqanaysa, intii golaha fadhiday dhabanka ayey gacanta saareen, Qalin ayaan u holaday sidii aan u heli lahaa jeebkooda kore ayaan isha wada mariyay bal in uu qalin u sudhan, si aan dhaxal uga reebo geedkan sii ciirsan ee duruufta aduunyo magmaagayso amma ay gun dhabayso, nasiib xummo qalinkii ma helin, jeebabkooduna waa wada haawanayey dhamidood, dabadeed dareenkaygii masgaxeed dhamaantii waxa aan u soo wada jeediyay si aan hadalkiisu ii dhaafin aqoon yahanka, mufakirkan, indheergaradkan, Af tahankan hal-abuurnimada fikir ah. laakiin dadkii uu ka dhashay ay aaseen xaqii iyo xuquudii uu lahaa, hankiisa, hilaadkiisa, hadafkiisa, waa nin ay hadheeyeen daruuro madaw oo rejo beel kugu ridaya, mararka qaar adiga ayey masgaxdaadu gudaysaa marka aad eegto waqtigiisii wax barasho tacliimeed iyo mustaqbal ee uu lahaa.

Gunaanad kayagii haasaawe ee unuggan qarsoon haddii aan halqodob ka soo qaato, falasuufkan aftahanka ah ee waqtigi hayo talo uu nala wadaagay, wuxuu tibaaxay oo yidhi: “adeer madaxayga iyo gadhkayga waad aragtaa nin wayna waan ahay mid iga weeleeya maanta aniga waxa halkaa idhigay waa bulshada iyo dadka aan ka dhashsy,idinkana dadka iyo bulshada aad ka dhalateen ayaa halkaa idin dhigi doonta” Cajiib tolow muxuu ka wadaa?.