Ururka Al-Shabaab oo Soo bandhigay Diyaarad wax basaasta ee Drone-ka

0
365

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay diyaarad nooca wax basaasta ah oo loo yaqaan Drone-ka taasoo shalay kusoo dhacday deegaanka ay ka taliyaan oo lagu magacaabo Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Rag afku u duuban yahay oo afar ah kana tirsan Al-Shabaab ayaa soo kusoo bandhigay degaanka Mubaarak oo ka tirsan Sh/hoose mase cadda weli dalka laga leeyahay ama cidda adeegsaneysay diyaaradan.

Diyaaradaha yar yar ee aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ayaa dhowr jeer kusoo dhacday koonfurta Soomaaliya.