telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

URURKA DAACISH OO EEDEYEY KOOXDA AL-SHABAAB

Siiriya (WARSUGANNEWS.COM)_Kooxda Daacish ee ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa ku eedeysay Ururka Al Shabaab Dilka Hogaamiyeyaal ka soo goostay Ururkaasi islamarkaana doonayay in ay ku biiraan Kooxda Daacish.

 

Daacish ayaa sidoo kale ku eedeeysay Al Shabaab Dilka Muwaadin ka soo jeeday Dalka Suudaan kaasi oo Mareykanka u heystay in uu ka dambeeyay Dilkii Safiirkoodii u fadhiyay Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Maxamed Makawi iyo Saaxbiibkiis Cabdal Basiid Xaaji Maxamed ayaa ka mid ahaa 4 Ruux oo ku xukunnaa Dil toogasho balse 2010-kii ayeey ka soo baxsadeen Xabsiga kuna biireen Ururka Al Shabaab.

Mareykanka ayaa 10 Milyan oo doolar dul dhigay soo qabashada ama soo gudbinta xogaha la xidhiidha ama halka ay ku sugan yihiin Labadaasi Ruux.

491 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins