Ururka Mareegaha Somaliland Ee SOMA Oo Si Kulul U Cambaayey Xayiraadda Shirkadda SOMCABLE Saartay Shabakadda Hadhwanaagnews, Baaqna U Diray Xukuumadda

0
333

Ururka Mareegaha Somaliland Ee SOMA Oo Si Kulul U Cambaayey Xayiraadda Shirkadda SOMCABLE Saartay Shabakadda Hadhwanaagnews, Baaqna U Diray Xukuumadda

Hargeysa(WSN): Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale),ayaa cambaareeyey talaabada Shirkadda SO-gasho ku xayirtay In Internet-ka laga booqdo Shabakada Hadhwanaagnews, isla markaana waxa uu ugu baaqay in si degdega Xayiraada looga qaado.

Sidaa waxa uu Mustafe-Janaale ku sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo uu caawa ka soo saaray Magaalada Hargeysa. Isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan:
“Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) waxa uu ku war-helay xayiraadda ka dib markii ay shirkadda SOMCABLE meesha ka saartay booqashada Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, taasi oo ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo ka waddanka-ba.
Sida ku cad qodobka 25-aad ee Dastuurka Somaliland iyo qodobka 32-aad ee Dastuurka Somaliland iyo weliba xeerka Saxaafadda Somaliland ee No. 27/2004, xayiraddani waxay ka soo horjeedaa in qodobadaasi, waxaanay meel ka dhac ku tahay xorriyadda hadalka iyo ra’yi dhiibashada.

Waxa kale oo ay xayiraadani SOMCABLE kula kacday Hadhwanaagnews ka soo horjeedaa xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dhawrista iyo ilaalinta xorriyadda hadalka iyo ra’yi dhiibashada.
Marka intaasi laga yimaado sida ku cad qawaaniinta waddanka u taala cid kasta oo bixisa adeeg ay siiso bulshada guud ahaan haddii ay noqoto is-gaadhsiin, Tamar (laydh), Biyo, Raashin, Hurdo iwm, waxa xaq loogu leeyahay inay yeelato hab lagula xisaabtami karo o ay ka mid tahay war-baahintu, sidaasi si la mid ah warbaahintana waxa xaq loogu leeyahay inay fursad u siiyaan cid kasta oo ay wax ka sheegayaan in ay is-difaacdo oo ay iyadana wax laga weydiiyo.

Haddaba, sida ay wararku sheegayaan Shabakada Hadhwanaagnews.com xayiraadiisu waxay ka dambaysay ka dib markii uu baahiyay Website-ku war sheegaya in Mulkiilaha shirkadda SOMCABLE uu taageero dhaqaale siiyo musharaxa madaxweynaha xisbul Xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Waa arin aad looga walaaco in shirkadaha bixiya adeegga internet-ku ay la saftaan dawladda si ay u cabudhiyaan saxaafadda.Falkan ay ku kacday SOMCABLE waa mid aan la aqbali karin oo halis ku ah xorriyadda saxaaafadda, Isla markaana SOMCABLE xaq umalaha inay sharciga gacantooda ku qaataan.
Isku soo duuboo Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) waxa uu dalbanayaa in si deg deg ah oo bilaa shuruud ah xayiraadda ay uga qaado Shabakada Hadhwanaagnews.com.

Sida la ogyahay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland waxa ay warbaahinta ku hayaan cidhiidhi dhaqaale iyo mid xorriyadeed, sababta oo ah shirkadaha Isgaadhsiintu iyaga oo wadanka ka haysta liisamo isgaadhsiineed ayay haddana warbaahinta haysata liisamo warbaahineed ku qabsadaan xayeysiisyada iyo baahinta wararka.

Waxa kale oo intaasi dheer iyaga oo lacag aan Baanka dhexe ogeyn oo la yidhaahdo Zaad iyo Edahab maalin walba malaayiin dollar oo xawilaadood oo bilaa cashuur ah sameeya, isla markaana ay Baanka dhexe iyo Warbaahintuba aanay waxba ka sheegin ayay haddana ku dareen cabudhin iyo xayiraad farsamo.
Haddii ay talaabooyinka noocan ahi sii socdaan waxay keeni kartaa in adeegyada ay bixiyaan ee lacagaha iyo isgaadhsiintaba muran ka yimaado.
Condemns recent closure of Hadhwanaagnews by
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email:Hayannews@gmail.com