Ururka Midnimo Somaliland Oo Farriin Tallo Ah U Diray Xisbiyadda Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland

0
589

Ururka Midnimo Somaliland Oo Farriin Tallo Ah U Diray  Xisbiyadda Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland

Ururka MIDNIMO SOMALILAND

Ku: Axsaabta Xisbiyada Qaranka Somaliland Iyo Madaxweynaha JSL
Ujeeddo: Tallo Soo Jeedin

Ururka Midnimo Somaliland waxa uu halkan baaq tallo so jeedin ah uga dirayaa dhammaan axsaabta qaranka ee saddexda xisbi qaran gaar ahaan gudoomiyeyaasha iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Tallo soo jeedinta ururku waxay salka ku hayaa khilaafka mudada soo jiray ee dhinaca doorashooyinka iyo komishanka doorashooyinka qaranka, waxaanu ururku ugu baaqayaa axsaabta qaranku inay muujiyaan dedaal dheeraada oo ay isugu tanaasulaan, iyagoo eegaya qarannimada iyo wada jirka shacbiga Somaliland.

Sida aynu la wada socono Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay caan ku tahay oo lagu majeertaa saddex qodob oo aas aas ama bud-dhig u ah in aynu soo jiidano indhaha beesha caalamka Somalilandna ku caano maashay mudadaa 30kan sanno ku dhaw, qodobadaas oo kala ah.

1. Nabadgelyada ka hana qaaday Somaliland oo ah mid ku fiday mandaqada geeska Afrika caalamkuna tusaale u soo qaato marka uu ka hadlayo amniga afrika.

2. Isu-tanaasulka iyo maqalka ka jira Somaliland oo ah mid aynu ku nabad iyo caanno maalnay dalal caalamka ee horumarayna aynu kaga horayno in aynu waxeena ku dhamaysano dhib la’aan iyo wada tashi.

3. Hannaanka Doorashooyinka dalka oo ah ilaa imika mid aan lagu arag laguna maqal guud ahaan Afrika iyo inta badan caalamka, taas oo soo jiidatay adduunyada kale, ahna mid ka hanna qaaday Somaliland.

Haddaba iyadoo ay sidaasi tahay waxa dhawaanahan dhegeheena ku soo noq-noqonayey arrin aanu shacbigu jecelaysan oo ah is riix-riix iyo ismaqal la’aan taas oo keentay in ay dhexdeena soo galaan dalal shisheeye ama beesha caalamka oo goob-joog ka ahaa arrintii lagu dhex-dhexaadiyey axsaabta qaran laguna soo afjaray guddidii doorashooyinka ee hore inkasta oo hadana hadal ka yimid kuwii danbe. Ka urur ahaan annaga oo ku hadlaynay afka midnimada Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa masuuliyiinta axsaabta qaranka iyo madaxweynahaba inay is maqlaan oo ay wada fadhiistaan soona saaraan go’aan dan u ah kana farxiya shacbiga Somaliland, deg-degna loo gudo galaa arrinta doorashooyinka madaama oo dadku doonayo isbedel la xidhiidha golayaasha wakiilada iyo deegaanada.

Maxamed Aftax Xasan
Gudoomiyaha Ururka Midnimo Somaliland