US: Madaxweyne Trump oo seeftiisii ugu horreysay ee sixiixa dul dhigay mashruucii caafimaadka ee Obamacare

0
442

Saacado kaddib markii la caleemasaaray waxa ugu horreeyay ee uu sameeyo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa ahaa in uu yareeyo awooda dhaqaale ee hannanka caafimaad ee ObamaCare.

Trump oo warbaahinta ku casuumay xafiiskiisa ayaa sixiixay sharci yareynaya dhaqaalaha hannaankaasi ee uu aas-aasay madaxweynaha xilka ku wareejiyay ee Barack Obama.

Mr. Trump ayaa intii uu ololaha doorashada ku jiray waxa uu si weyn u dhaliili jiray hannaankaasi caafimaad oo uu sheegay in uu la haray dhaqaalaha dalka.

Donald Trump, madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa sidoo kale dokumentiyo cusub kuwaas oo ay ka mid yihiin howlgelidda wasiirada gaashaandhigga iyo kan amniga oo loo kala magacaabay General John F. Kelly iyo Mike Pence.

Maalin buuxda oo uu iminka fadhiyo xafiiska ayaa waxaa lasoo sheegayaa in uu madaxweynuhu saxiixay ilaa iyo shan qodob-sharciyeedyo.

Donald Trump ayaa maalintiisa koowaad ee xafiiska kusoo gabo-gabeeyay ciyaar dansi ah oo uu la ciyaaray xaaskiisa Melania.