US: Muran ka taagan hannaanka caafimaad ee uu aas-aasay madaxweyne Obama ee “Obamacare”

0
309

Xubno sarsare oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa wacad ku maray in ay si xooggan uga hortegi doonaan dedaalada maamulka xilka la wareegaya ee Trump uu ku doonayo in uu meesha uga saaro adeegga caafimaadka ee Obamacare – ee uu madaxweyne Obama u dajiyay daryeelka caafimaadka dalkaasi.

Ku xigeenka madaxweynaha la doortay, Mike Pence, ayaa goor sii horreysay sheegay in hannaanka barnaamijkaasi lagu laalayo uu billaaban doono maalinta koobaad ee uu xafiiska fariisto Donald Trump.

Kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyeyaasha Kongareeska ee Xisbiga Jamhuuriga ayuu Pence waxa uu sheegay in madaxweynaha la doortay uu ka shaqeynayo qaabkii dalka loogu sameyn lahaa hannaan cusub oo daryeel caafimaad ah oo ku meelgaar ah.

Balse waxa uu sheegay in arrintan go’aan buuxo laga gaari doono bilaha soo socda maadaama buu yiri hannaanka daryeelka caafimaad ee haatan jira uu guuldarraystay.

Hasayeeshee Bernie Sanders oo ka tirsan aqalka sare ee Senate-ka oo ka hadlayay arrintan muranka dhalisay ayaa waxa uu sheegay in Jamhuuriyiintu ay isku dayayaan in ay burburiyaan hannaanka daryeelka caafimaad iyagoon wax qorshe ah hayn.