US: Nin qori kala soo dagay diyaarad oo dad ku laayay garoon diyaaradeed oo ku yaal gobolka Florida

0
804

Nin hubeysan ayaa waxa uu 5 qof ku dilay 8 kalana ku dhaawacay gagida diyaaradaha Fort Lauderdale ee gobolka Florida ee waddanka Mareykanka. Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay ku hayaan baaris sababta uu ninkaasi kukeliftay in uu dadka laayo.

Ninkan hubeysan oo la sheegay in uu qoriga kala soo dagay diyaaradda oo uu boorsadiisa kala soo baxay ayaa xabado ku furay goob laga daabulo boorsooyinka, waxaana dad goob joagayaal ah ay sheegen in ninkani uu amusnaa xilli dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysanyihiin in ninka weeraraka fuliyaya uu ahaa keligii , waxaan markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa garoonka diyaaradaha.

Ila iyo hada ma kala cada sababta ninkani uu weeraraka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso.
Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid kamid xilibaanada aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku tilmaamay 26 jir ah la yirahdo Estaban Santiago , waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee Milatariga Mareykaka.

Guddoomiyaha ammaanka ee halkaasi na waxaa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay , isagoo na qoriga kusoo cabeystay musqusha.