US: Qaban-qaabada xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo socota

0
888

Maanta oo Jimce ah waxaa dalkaasi lagu caleema-saari doonaa madaxweynaha cusub ee dalkaasi Donald Trump. Goobta isha lagu hayn doonaa waa US Capitol oo ah goobta uu Trump sida rasmiga ah ugala wareegi doono Barack Obama madaxtinimada dalka iyo Aqalka Cadba.

Halkan hoose ayaan ku faahfaahinaynaa habka kala wereegga awooddu u dhici doonto.Boqolaal kun o qof ayaa la filayaa in ay ku soo xoomaan Washington 20 January si ay u daawadaan dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee dalka.

20 JANUARY

Trump wuxu ka qayb geli doonaa duco lagu dhigi doono kaniisadda St John’s Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad.

Trump iyo afadiisa Melania ayaa shaaha aroornimo la qabi doona madaxweyne Obama iyo marwada koowaad Michelle Obama. Ka dibna labada qoys waxa kolonyo baabuur ah lagu geyn doonaa Capitol.

9:30 subaxnimo (14.:30 GMT) ayaa xafladda caleemo saarku ku bilaabmi doontaa bandhig muusig ah.

1:30 (16:30 GMT) Trump wuxu ku dhaaran doonaa dhaarta dastuuriga ah, waxaana dhaarin doona gudoomiyaha maxkamadda sare Roberts. Ka dibna wuxu jeedin doonaa khudbadiisa caleemo saarka.

3-5 galabnimo (20:00 -22:00 GMT) Trump iyo Pence waxay billaabi doonaan socod 1.5 mayl ah (2.4km) oo ay ku mari doonaan wadda weyn ee Pensnsylvania Avenue halkaas oo dad taageersan iyo kuwo ku mudaharaadayaaba tubnaan doonaan.

7-11 galabnimo (00:00-4:00 SGA) Trump iyo Pence iyo xaasaskooda ayaa ka qayb gali doonaa saddex xafladood oo caleemo saar ah.

21 JANUARY

10 subaxnimo (15:00 GMT) Trump iyo Pence ayaa ka qayb gali doonaa fadhi ay iskugu imanayaan dadka kala diimaha ahi oo ka dhigi doonta kaniisadda Washington National Cathederal.

10 subaxnimo (15: SGA) gaardiga haweenka ayaa ka bilaabmi doona Washington
YAA KA QAYB GALAYA?

Madaxweyne Obama iyo marwada koowaad ayaa Trump la raaci doona kolonyo baabuur ah oo lagu gayn doono US Capital oo xafladda rasmiga ahi ka dhici doonto halkaas oo ay iskugu imaan doonaan xubno ka tirsan Congress ka , siyaasiyiin iyo taageerayaasha Trump.

Madaxweynihii hore, Bill Clinton, iyo Hillary Clinton oo Trump doorashadii Noofambar dhacday kaga adkaaday ayaa iyagana la filayaa in ay ka qayb galaan.

George W Bush iyo afadiisa Laura iyo sidoo kale Jimmy Carter ayaa iyaguna xaqiijiyay inay ka qayb gali doonaa xafladda.

George HW Bush oo dhakhtar ku jira ayaa warqad u soo qoray Trump ugu hambalyaynayo isla markaana uu kaga cudur daaranayo in aanu ka soo qayb geli karin xafladda duruufo caafimaad awgood.

Dad lagu qiyaasayo 800,000 ilaa 900,000 oo qof ayaa la filayaa in ay soo buuxiyaan xarunta dalka maalinta Jimcaha ah ee caleemo saarku dhacayo laakiin ma cadda in dadkaasi dabbaal deg u imanayaan iyo inay mudaharaad u diyaar yihiin toona, sidaa waxa yrii sarkaal hadlay.