Waad Joojin Kartaa Balwada Qaadka Talo & Tusaale, W/Q :Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

0
856

Waad Joojin Kartaa Balwada Qaadka Talo & Tusaale, W/Q :Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

Inuu La Tashado Dhakhaatiirta Iyo,CulimadaIsagoo Kala Tashanaya Goynta Balwadan ,Kana Dalbado Talo & Tusaale Ku Caawiya Joojinta Balwadan.

Ugu Horeyn Waxa Mahad Iska Leh Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa Inoogu Deeqay Nicmooyin Faro Badan , Waxa Kale Oo Aan U Mahadnaqayaa Websiteka Hadhwanaagnews.Com Oo Suurto Galiyey Faafinta Maqaalkan.

Waxaa Hubaal Ah In Qofkasta Oo Qaadka Cunaa Uu Ogsoonyahay Sidoo Kalana Uu ,Dareensanyahay Dhibaatada Qaadku Leeyahay Markastana Uu Go’aansado In Uu Iska Daayo Balse Hadana Ay Wuxuun Sii Jiidanayaan. Waxaan Soo Bandhigi Doonaa Talooyin Aan U Arko Qofku Haduu Ficil U Badalo In Uu Ku Guulaysan Karo In Uu Ka Dhex Baxo Balwada Qaadka Waxaanay Yihiin :

1-Inuu Niyadiisa Wanaajiyo, Ujeedadiisa Ugu Weyna Ay Noqoto Inuu Ka Dhex Baxo , Oo Uu Ka Go’o Balwada Qaadka . Ilaahayna Uu Kaga Ajri Dalbo Ka Tagitaanka Balwadan.Taasna Waxa Ka Dhalanaysa Qofka Shay Ilaahay Dartii Uga Taga Ilaahayna Wuxuu Ugu Badala Wax Ka Khayrbadan.

2-Inuu Ka Run Sheego Go’aankiisa,Waayo Gofka Go’aanka Leh Wuu Guulaystaa.

3-Inuu La Tashado Dhakhaatiirta Iyo,CulimadaIsagoo Kala Tashanaya Goynta Balwadan ,Kana Dalbado Talo & Tusaale Ku Caawiya Joojinta Balwadan.

4-Inuu U Muujiyo Dadkii Ay Isku Majliska Ahaayeen & Qaraabadiisaba Inuu Iska Daayey Qaadkii , Sidoo Kalana Ay Adagtahay Inuu Dib Ugu Laabto Balwadaas, Ugana Soo Duceeyaan.

5-Waa Inuu Badalaa Saaxiibadiisii Hore Ee Uu La Qayili Jiray,Lana Saaxiibaa Saaxiibo Kale Oon Balwad Lahayn.

6-Waa Inuu Badalaa Kana Tagaa Goobihii HoreEe Uu Ku Qayli Jiray .Si Aanay Niyadiisu Uraacraacin.

7-Waa Inuu Ku Badalaa Cunidii QaadkaWax Kale Oo Nafci Uleh Sida Caanaha & Wax Kale Oo Nafaqo Leh.

8-Waa In Waqtigiisa Ugu Badan Uu Ku Camiraa Ilaahay Xuskiisa,Ilaalinta Salaadaha, Ku Xidhnaanta Masaajida, Barashada Cilmiga Sharciga Ah.

9-Waa Inuu Ururiyo Lacagtii uu Qaadka Siisan JirayKadibna Eego Muddo Yar Ka Dib Wuxuu Arki Doonaa Inuu Guulaysatay Qaadkuna Dhib Weyn Oo Dhaqaale Ku Hayey.

10-Ka Waani Dadka Kale Inay Qaadka Iska Daayaan,Taasi Waxay Keenaysaa Inaanad Adigu U Dhawaan.

Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

Email:Abucubayda01@Gmail.Com

Tell:+252- 63 – 4196612

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here