“Waan jeclahay Arsenal” – sidaa waxaa yiri Mario Balotelli

0
437

Weerar yahanka kooxda Nice ee Mario Balotelli ayaa sheegay inuu jecelyahay inuu markale ka ciyaaro horyaalka ingiriiska.

Laakiin laacibka reer talyaani ayaa meesha ka saaray inuu markale u ciyaari doono kooxdii uu ka tagay suuqii xaggaaga ee Liverpool.

Mario Balotelli ayaa sheegay inuu jecelyahay kooxdiisii hore ee Manchester City iyo kooxda Arsenal laakiin marnaba wuxuu diiday dib ugu laabashada Liverpool.

“Haddii aan dib ugu laabto ingiriiska, xaqiiqdii kuma laabanayo Liverpool” Mario Balotelli ayaa sidaas u sheegay wargayska Xinhua ee dalka shiinaha.

“Waayo waxaan arkay in nafsad ahaantayda aan aad ugu liito Liverpool, waxaan iri kooxdu waa ay wanaagsantahay taageerayaashuna waa cajiib laakiin kuma laabanayo Liverpool”.

“Kooxda kaliya ee aan malayn karo marka aan tago ingiriiska waa Manchester City, kooxda labaad ee marwalba aan jeclahay waa Arsenal, taasi lama micno ahan inaan u ciyaarayo iyaga, kaliya waan jeclahay”.