Waan Soo Dhaweynayaa Qurbajoogta Gobolka Togdheer Ee Xafladda Baladhaan loogu qabtay Qasriga Madaxtooyada Burco +Sawiro

0
392

Waan Soo Dhaweynayaa Qurbajoogta Gobolka Togdheer Ee Xafladda Baladhaan loogu qabtay Qasriga Madaxtooyada Burco

‘’Waan Soo Dhaweynayaa Qurbajoogta Gobolka Togdheer Ee Caawa Xafladdan Baladhaan Halkan Loogu Sameeyey, Aad Ayaan Idiin Soo Dhaweynayaa Dhammaantiin, ’Qurbajoogtu Iyagaa Dhisa Oo Balaadhiya Dalkeena, Horumar Kasta Oo Dalku Gaadhana Qeyb Ayey Ka Yihiin, Ka Dawladda Ahaan Aad Ayaan Ugu Mahadcelinayaa’’ Wasiir Cali Xasan Maxamed.

Burco 31-07-2016 ‘’XWarsugannews’’ Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Habeenkii Xalay Magaaladda Burco Kaga Qeyb Galay Xafladda Balaadhan Oo Loo Sameeyey Qurba Joogta Gobolka Togdheer.
Waxa Sidoo Kale Xafladdan Kasoo Qeyb Galay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Jaamaca Galaal, Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabyotire, Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, Maayirka Degmadda Burco Maxamed Muraad, Maayir Xigeenka, Taliyaha QeybtaGobolka Togdheer iyo Qurbajoogtii Casuumadda Loo Fidiyey.

Munaasibaddan Balaadhan Ee Loo Qabtay Qurbajoogta Geerobolka Togdheer Ayaa Waxa Soo Qabanqaabiyey Maamulka Gobolka Togdheer iyo Kan Degmadda Burco. Hormoodna U Ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Aadan Qabyatire.

Xafladdan Balaadhan Ayaa Lagu Soo Bandhigay Majaajilo, Ruwaayado, Heeso Loogu Talo Galay Qurbajoogta Gobolka Togdheer, Iyado Ay Madasha Joogeen Faanaantiin Gobolka iyo Qaar Kale Kana Mid Ahaayeen Faarax Murtiile, iyo Halwad.
Intii Xafladdani Socotay Ayaa Qurbajoogta Reer England Ayaa Bugaag Soo Gaadhsiiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Hal-karaan. Iyadoo Halkaas Ay Kala Wareegatay Bugaagtii Gudoomiyaha Naadiga Nasra Keyse.

Waxa Qurbajoogtii Madasha Lagu Soo Cuumay La Hadlay Masuuliyiintii Dawladda Uguna Horeeyaan Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayirka Degmadda Burco Oo Uga Waramay Halkuu Gobolku Marayo, Mashaariicda Horumarineed Ee Ka Socda, Iyo Sidey Ka Qurbajoog Ahaan Uga Qeyb Qaadan Lahaayeen Horumarinta Gobolka Togdheer.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay iyo Wasiir Dawlaha Qorsheynta Maxamuud Galaal Iyo Iyaguna Soo Dhaweeyey Qurbajoogta Kusoo Laabtay Dalkoodii iyo Gobolkoodii, Waxaanay Amaaneen Doorka Ay Ka Qaateen Horumarinta Dalka iyo Gaar Ahaan Gobolkoodan Togdheer.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Isna Dhinaciisa Si Weyn Usoo Dhaweeyey Qubjoogta Gobolka Togdheer, Waxaanu Ku Amaanay Doorka Ay Ka Qaatan Horumarka Gobolka Togdheer, Waxaanu yidhi:
‘’Waan Soo Dhaweynayaa Qurbajoogta Gobolka Togdheer Ee Caawa Xafladdan Baladhaan Halkan Loogu Sameeyey, Aad Ayaan Idiin Soo Dhaweynayaa Dhammaantiin, Waanu Idin Jeclanahay Waayo Si Quruxbaddan Oo Qaayo Leh Ayaad Usoo Dhaweysaan Madaxda Markaanu Xagaas Idiinku Nimaadno, Waad Mudantihiin In La Iidin Macsuumo Oo La Idin Soo Dhaweeyo’’.

‘’Waxaan Xafladdan Sidan Uqurxda Baddan Uga Mahadnaqayaa Maamulka Gobolka Oo Suurtagaliyey Fikirkeedan Lahaa Runtii, Badhasabaab Maxamed Aadan iyo Maayir Muraad Ayaan Ugu Mahadnaqayaa Sidan Quruxda Baddan Caawa Halkan Ugu Macsuumeen Qurbajoogta Gobolka’’,

‘’Qurbajoogtu Iyagaa Dhisa Oo Balaadhiya Dalkeena, Horumar Kasta Oo Dalku Gaadhana Qeyb Ayey Ka Yihiin, Ka Dawladda Ahaan Aad Ayaan Ugu Mahadcelinayaa, Gaar Ahaan Idinkuna Hadaad Tihiin Qurbajoogta Gobolkan Waa Inaad Dhisataan Gobolkani Idinkaana Umaqan Horumarkiisa’’.

Ugu Danbeyn Waxa Maamulka Gobolka Togdheer Badhsaab Maxamed Aadan a iyo Maayir Maxamed Muraad Ayaa Shahaado Sharaf Gudoonsiiyeen Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed, Iyagoo Sheegay Inuu Ku Mutaystay Ka Qeyb Qaadashadda Horumar Kast Oo Ugaadho Gobalkani.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20
C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.