Wacdarihii la baday Manchester City + Tottenham Hotspur oo muujisay Awoodeeda Sanadkan iyo Man city oo aan ka soo kabsan saddex ciyaarood oo isku xiga

0
415

Wacdarihii la baday Manchester City + Tottenham Hotspur oo muujisay Awoodeeda Sanadkan iyo Man city oo aan ka soo kabsan saddex ciyaarood oo isku xiga.
1983822_heroa
Hargeysa(Warsugannews) Galabka waxa wada ciyaaray Labada kooxeed ee Ingiriiska laguna magacaabo Tottenham Hotspur Vs Manchester City waxaana lagu ciyaarayey gurigii ama garoonkii Tottenham markay ciyaartu maraysay 24 Minute ayuu ciyaar yahan Kevin de Bruyne oo ay dhawaan man city ku soo iibsatay lacag xad dhaafaya u dhaliyey goolkii koowaad kooxdiisa.
b2145024-78a8-4820-904d-30650432b8ca_800
wixii intaa ka danbeeyey ciyaarta waxa gacanta ku dhigtay Tottenham oo muujisay galabta ciyaar wanaag iyo awood ciyaareed oo aad u qurux badan ka dib markii ay ciyaartu socotay 45 Minute haafkii hore oo dhamaada ayuu Eric Dier gool uu meel dheer ka soo laaday ka dhaliyey city, ka dibna waxa la galay Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la soo nastay 15 daqiiqo.
a859d081-e4e8-495c-9eaa-6a673187116c_800
ciyaarta oo ku bilaaban tahay weerar ay ku soo qaaday Tottenham City ayaa noqotay mid ay ku hayaan ilaa ay ka dhaliyeen goolashan oo ahaa dhamaantood kuwo aad u qurux badan oo laga soo shaqeeyey, 5o daqiiqo markii ay haafkii danbe socotay ayuu madax ku dhaliyey difaaca lagu magacaabo Toby Alderweireld oo Tottenham u ciyaara, ka dibna ciyaarta ahaa halkaa ka sii socotay waxaana saddexeeyey ciyaartu markay socotay 61 daqiiqo Harry Kane oo beryahaa isagu ka qatanaa goolasha, halka uu ciyaarta soo xidhay daqiiqadii 79 aad ciyaar yahanka Erik Lamela oo siduu doono ugu ciyaaray gool wadaha iyo difaaca city, iyadoo ciyaartu ku soo dhamaatay Tottrnham 4:1 Man City.
garoonkiina ay ka dareeren man city iyaga oo foorara, taageerayaasha iyo ciyaar yahanada Tottenham na ay dabaaldeg iyo sawaxan ku sagootiyeen kaaxdii City.

d347d311-aa1c-4653-ab68-38e0552876ee_800
warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here