Waddani Durba Caban Ogaa, Xukuumadda Axmed Siilaanyna Dadaali Ogaa. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan‏

0
412

Waddani Durba Caban Ogaa, Xukuumadda Axmed Siilaanyna Dadaali Ogaa. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan‏

Anaaga mushkilad aragnay! Duul doonaya inay wadan maamuulaan oo hadana hagar-daamo la barbar taagan kuwan hortood maan arag. Waagii ilaahay keenaba cabasho iyo calaancal joogto ah hadii aynu ku waabariisno waa ayaan daro inteeda leeg.

Somaliland ma xukuumada oo kaliyaa? Dee mayee waa qaran dhan oo isku qoofalan, mucaarid ilaa xukuumad. Bal hadaba waxaa ka warantaan qoladan hadh iyo habeen aduun weynaha ka dhaadhicinaysa in Somaliland lagu kala taagaayo, in anaay waxba ka jirin iyo intay tahay meel baabaday oo aabaheed goblomay.

Qoladani Reero Waddani aad ayaan ula yaabay markaan arko iyagoo warbaahinta ka sheegaya balan bal iyo bayhoof dalku gali doono, iyaga yaa u soo waramay oo u soo waxyooday! Somaliland cadaw aan mucaaridka ahayn ma laha.

Cadawga dibada ee hadh iyo habeen xumaanteena ku raaxaysta waxaa ka daran gafanayaasha inagu dhex nool ee nabada iyo dagnaanshaha ku hurdo. Kuwaas in sida ajaanibka loo raafayo loo daad gureeyo mooyeena dawo kale malaha ayaan filayaa.

Aduunyadu waagii barya waxay inaga qortaa warbixino ay ku sheegayaan heerka ay taagan tahay qadiyada Somaliland, waxaanay qortaan hadalada ka dhaca mucaaridka aan bislaan ee aan waliba kala aqoon waxa dhaawaca ku keenaya qaddiyada Somaliland, in kastoo ay iyagu u arkaan dad dantooda dhacsanaya! Walee waa kala maan.

Durba iyada oo aan kaw la joogin ayey doorashada diiwaangelinteeda la bilaabay ka sii cabanayaan, haddii ay salka u dhigaan oo ay ka hadlaan markay dhamaato macno badan ayey samayn lahayd aniga aragti ahaan.

Hasha geela cunta ee cabaada hadaad noqoto waa midh subxaana’leh. In lay doorto ayaan doonayaa hadana waxaan sheegayaa in aanu jirin qaranka Somaliland laba is qabta maaha. Caalamku indhaha iyo dhagaha ma laha, wax kasta oo aad samaysaan waa diwaan idiin qoron oo laydiin yeedhin doono maalinta ay gaadho.

Waxaan hadalkayga ku soo uruurinayaa xukuumada madaxweyne mujaahid Axmed Siilaanyo hadal iyo ficil midna waxba kaga qaadi kari maysaan ee umada Somaliland wajigeeda hayska dilini. Waxaad dhigato ayaad leedahay abaalkeeda. Ilaahayna uu inoo sheegay inuu u siyaadiyo kuwa mar kasta shukri naqa. Ilaahay kuwaas haynaga dhigo.

W/Q: Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com