WAFTIGI XISBIGA WADDANI EE KU SUGNAA NAIROBI OO LA KULMAY SAFIIRKA SUCUUDIGA U FADHIYA DALKA KENYA IYO NUXURKA WAXYAABIHII LAGA WADA HADLEY

0
318

Waftiga heerka sare ah ee Xisbiga WADDANI ee ku sugan dalka Kenya

 

oo ku jira gebo gebada safarkoodi caalamiga ah ee la magaxbaxay “Godoon ka saarida SOMALILAND” ayaa kulan balaadhan waxay la qateen Safiirka Dawladda Sacuudiga u fadhiya dalka Kenya, kukan kaas oo ahmiyad gaara laha waxa ugu muhiimsana qodobadii labada dhinac ka wada hadleen.

1. In Dawladda Sacuudiga oo ah dalka ugu weyn waddamada Khaliijka Carbeed ee Saliida qaniga ku ahi ay uga qayb qaadan la hayeen taakulaynta dadka walalahood ah ee abaartu SOMALILAND sida daran ugu saamaysay ku waas oo maanta u baahan gacantooda.

2. Xayiraada Dawladda Sacuudigu Saartay Xoolaha Soomaalida inay ka qaadaan xayiradaas oo culayska ku sii xoojisay dhibtii abaartu gaysatay.

Waftiga XISBIGA WADDANI oo heer Caalami ah waxay Dawladda Sacuudiga u sharxeen in aanay wax xanuun ah habayarate qabin Xoolaha Dawladda Jamhuuriyadda SOMALILAND.

Safiirka Dalka Sacuudiga u fadhiya Kenya oo Wakiil ka aha Dawladdiisa Boqortooyada wuxuu balanqaaday inay caawimo la taaban karo ka gaysan doonaan abaaraha ku dhuftay Somaliland sida ugu dhakhsaha badan. Sidoo kale waxay Dawladda Sacuudigu Waftiga Xisbiga WADDANI u cadeeyeen inay Somaliland u soo diri doonaan koox dhakhatiir ah oo khabiiro ku ah Xoolaha, kadibna cadaynta caafimad ee ay qaadan ay xayiraada Xoolaha kaga qaadi doonaan. Warkaas oo siweyn u Farxada galiyay Waftiga.

Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa noqday masuuliyiintii ugu horeysay ee tan iyo intii uu joojiyay Sacuudigu Xoolaha kulan fool ka fool ah kala yeesha qadiyadaas, taas oo guul u ah Xisbiga WADDANI iyo Shacbiga SOMALILAND ba.

Gebo gebadii Madaxda Xisbiga WADDANI iyagoo dhibta la qaybsanaaya shacbigooda abaartu hayso waxay ka cudur daarteen Xaflad Jaaliyada Somaliland ee Kenya ku dhaqani ku soo dhawayn la hayd waftiga, waxayna madaxda Xisbiga WADDANI ugu baaqeen Jaaliyada qaaliga ah ee ku dhaqan Kenya in wixii xafladaas ku bixi laha loo leexiyo taakulaynta abaaraha laguna hagaajiyo guddida Qaran ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay abaaraha.