Wakhtigan lugu jiro iyo Waayaha Dhalinta Q.8aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

0
911

Wakhtigan lugu jiro iyo Waayaha Dhalinta Q.8aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Muhiimada Mawduucan aan idinla wadaagi doonaa wuxuu noqon doonaa in aan in badan idiinka sheekeeyo wakhtiga iyo muhiimadda uu u leeyahay umadda Muslimka ah gaar ahaan dhalinyaradda Somaliyeed, waxaan taaban doonaa xaaladda dhabta ah ee dhalinta qaar ku noolyihiin kuwa gudaha iyo kuwa dibadda labadaba, qaybta dambe ee qormadan waxaan kaga hadli doonaa sidoo kale qorshaynta wakhtiga iyo sidda ay dhalinyarta iyo qof kasta oo guul doone ah wax ugu tarayso ayaan idiinku soo bandhigi doonaa.

3.2.2. Wakhtiga iyo Muhiimadiisa: waxaa muhiimka u ah nolosha u jeedada leh waxa weeye inuu qofku wakhtigiisa ka faa’iidaysto, maxaa yeelay wakhtigu waa nicmooyin waawayn ee ilaahay siiyay dadka loona baahanyahay inaan si macno daro ah layskaga lumin. Rasuulkeenniina (nnkh) waxuu yidhi: “laba nicmo dadka intiisa badan waa lagu dagaa firaaqaha (wakhtiga) iyo caafimaadka.”

Gaaladuna waxay ku horumareen markay garteen qiimaha wakhtigu leeyahay kana fa’iidaysteen. Wakhtigana waxa uugu qiima badan inta dhalinyarada la yahay, markaa ha lagu dadaalo sidii wakhtiga dhalinyaranimada looga faa’iidaysan lahaa.

Waxa mudan inaan halkan ku xuso sida dadkeenna Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradii wakhtiga iskaga lumiyaan, dadka waddankeena jooga intoodii badnayd waxuu wakhtigii kaga lumay Qaad cunis iyo makhaaxi fadhi, marka laga tago inta faro ku tirska ah ee waxbarashadda jaamacaddaha iyo dugsiyada ku mashquulsan, laakiin waxaa meesha ka baxadday oo kow iyo labo la odhanayaa ardaydii u goday barashada diinta iyo cilmiga oo ay yartahay inta wakhtigoodii gelisayba.

Aan idinla wadaago sheekadan yar oo kusaabsan sida dhalinyarada maantu intooda badani wakhtiga u dayaceen ugna lumiyeen marfishayada qaadka iyo meelo muqaal laga yaq-yaqsoodo leh “Waa Mustaqbalkii Beri” Waa ciwaanka sheekadda, waxayna ku bilaabantay sida tan “Waa Nin xoog ah oo ku jira Da’ada labaatameeyaha, waa nin qurxoon oo ilahay u dhaliyey quwad waa nocii la odhan jiray laba-lafood, waxaan ka wadaa quwadiisa iyo xooga uu lasoo koray, Markaad kor u fiiriso waxaad arkaysaa in uu samaystay dhoor ka diiga oo kale ah misana waxa uu marsaday waxan looyaqaan madoobaysada, waxa Uu igagasoo baxay meel aad u madow oo adigu aanad gasheen sida ay u eegtahay, waxa uu eegayaa Hareerihiisa, Malaha wax uu iska eegayaa mid kamid ah waalidkii in uu arko meeshan qadhmuun ee qiiqa sigaarka iyo garaabadu ka buuxdo,Qofka halkan galaana ogow oo cibaado way kalatageen, Wax uu xidhanayahay surwaal qurxoon laakin qaabka gashadiisu aanay dadka wanaagsan qanicinahayn, waayo waxa uu ka xidhay daba dhuuqda, Waxba lama ah in uu kaba siibto, oo Halkaas ceebtisu ka muuqato, Allah imakaba waxaa muuqda surwalkii hoose, cajiib waxa uu dhegaha kula jiraa Sameecado, Earphonada, sida uu madaxa u lulayo waan yaabay, oo waxaan arkay in uu wadankaba ka baxsanayahay, oo Malaha Amerikaanbuu dhagaysanayaa, waxaan isku deyey in aan afka u kala qaado oo aan idhaahado waar allahaa ka cabso , se wuu iga qaatay laakiin waxaa uu iiga sheekeeyey in wuu ahaa arday kasoo bilaw dugsigii hoose ee waxbarashada, ilaa uu gaadhay heer jaamacadeed oo uu jaamacadii ka qalinjabiyey sidaa darteed wax uu ii sheegay in uu muddo laba sano ah uu shaqo raadinaayey, laakiin meel kasta oo uu shaqo ka xareeyo lugu xidho oday iyo qabyaalad halkii lugu xidhi lahaa heerka waxbarashadiisa, Waa nabada Hadaanad tahriibin baan hoosta ka idhi, imaka wuu iga dhaqaaqay oo wuxuu dib u huluushay meeshii madobayd ee uu kasoo baxay, ileen waxa uu sugaayey mid kamid ah asxaabtiisa oo sigaar u doonay, waan jaleecay oo arkay in meeshu sii gun weyntahay waxaana kasoo muuqday in badan oo dhalinyaro ah oo da’a ahaan aan ku qiyaasay kuwii jaamacadaha kasoo baxay, Daqiiqado kabacadi waxaa meeshii oo aan xoogaa u jiray si aan la iigu arag aniga oo aan la odhan waa kamid soo gaadhay raxan dhalinyaro kale ah laakiin hoostaas baan ka leeyahay hadii ay tahriib ka badbaadeen waa mahad allahe kol intii ay wadan kale oo shisheeyey oo diin kale haysta ku dul baabi lahaayeen wadankooda ha ku baa’baan Waa Ayo Kani? ……..Waa mustaqbalkii Beri”. Sheekadaaas gaabani waxay ina dareensiinaysaa dayaca ay dhalinyarta maantu gaar ahaan kuwo guduhu ku sugan yihiin, bal aynu eegno intii debedaha u baxdayna weli waxay ku jiraan badankoodi geedi socod meel ay ku dambayna uuma kala cadda, dadkeenna badinkiisa waxaad arkaysaa inay dalal badan isku marayaan, markay mid wax yar joogaanba uugasii gudbayaan dal kale.
Dadkaas waxa hubaal ah hadday dalkii ay markii hore luga dhigteen iska degi lahaayeen waxay noqon lahaayeen dad dalka ka mida oo xaq ku leh, wax wayna way ka qabsan lahaayeen, halkay imika kolba dal kale qaxooti cusub ku yihiin. Taasina ceeb qof keliya maaha ee waa wax aynnu ka wada simannay.

Inkasta oo ay dadka qaarkii qasab ku tahay inay meeshii hore ka tagaan oo meel kafiican tagaan, iyagoo ka eega xagga nolosha, haddana guur guurku waa mid inoo caado ah. qurbahana waxa ku dhabowday odhaahdii ahayd “Soomaalidu waa reer guuraa”. Haddii sidaa lagu sii socdana waxa halkaa ku lumaaya cimriga intii uugu qiimaha badnayd ee aynnu wax qabsan lahayn.

Tix-raac:
1. Maan-maal buureed gurxan —– Waa maxay dhalinyaronimadu.

La soco Q9aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com