telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Oo Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Huteel Ku Yaalla Magaalada Nairobi

January 15, 2019 (BRA-Hargeysa)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.

Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

234 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins