“WALLAAHI TURKI BAAD SHEEGAYSAAYE HADDII DAWLADAHA WAAWEYNI ISU YIMAADAAN, NAGUMA QASBI KARAAN WAX AAN DADKAYAGU RABIN, ISMANA HOR TAAGI KARAAN WIXII SHACBIGU DOONAYO”

0
405

“WALLAAHI TURKI BAAD SHEEGAYSAAYE HADDII DAWLADAHA WAAWEYNI ISU YIMAADAAN, NAGUMA QASBI KARAAN WAX AAN DADKAYAGU RABIN, ISMANA HOR TAAGI KARAAN WIXII SHACBIGU DOONAYO”

“Madax Dhaqameedka Waa La Siyaasadayn Karaa Khiyaamooyin Fara Badanina [Wada-hadalladan] Way Ka Soo Socdaan Aniguna Sideedaba Ma Waafaqsani Arrintan [Madax-dhaqameedka]”

“Dawladda Soomaaliya Ka Taagan Iyo Dawladda Somaliland Ka Jirtaa Wey Kala Dimuqraadi San Yihiin, Dimuqraadiyaddana Waxaa U Dhaw Ta Somaliland Ka Jirta”

“Berigii Ay Turkiga Iyo Carabtu Colloobeen Ayaa Carabtu Tidhi Qofka Nin Turki Ah Madaxiisa Keenna [Maalliyad] Baanu Ugu Beddelaynaa, Immika Arrinkan [Wada Hadalku] Waa Taas Turkiga Oo Kale”suldaan

Hargeysa (wARSUGANNEWS)- Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa ganafka ku dhuftay hadal haynta in Turkigu uu wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya u soo wareejinayo dhinaca madaxda dhaqanka ee labada dal, taas oo uu ku tilmaamay in aanay Somaliland ahaan aqbali doonin haddii xataa Caalamka oo idili isugu yimaado qaddiyada wada hadalka.

Suldaanku waxaa uu qorshahan jiritaankiisa ku maseeyey dhacdo ku taxan sooyaalka colaado muddo hore dhex maray dadka Turkiyiinita ah iyo dawladaha carabta, taas oo uu wada hadalka Xamar iyo Hargeysa ku dhereriyey.“Wallaahi waxaan u arkaa arrintaasi [wada hadalka madaxda dhaqanka Somaliland iyo Soomaaliya] arrin qaldan in ay tahay, sababtoo ah wada hadalladani cid bay u socdeen oo xukuumadda ayaa waday, xukuumaddiina markay quus ka gaadheen ayay damceen inay ku soo dhex noqdaan madax dhaqameedka, madax dhaqameedkuna dee siyaasiyiin maaha, ee waa waa niman dhaqan soo jireen ah haysta,” sidaasi ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suld.

Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Waraysi arrimahan ku saabsan xalay siiyey weriye Maxamed Cabdillaahi oo Togaherer.com ka tirsan, waxaana uu suldaanku intaas ku daray “berigii ay Turkiga iyo Carabtu colloobeen ayaa waxay carabtu yidhaahdeen ninkii Turki ah madaxiisa qofkii noo keenna intaas [maalliyad] ayaanu ugu bedelaynaa, Anigu waxaan arrintaas odhan lahaa dee waa tii oo kale tanina, annaguna markaanu Koonfur ka hadlayno waa ninka reer waqooyi ah madaxiisa qofkii keenna ee kurka ka soo gooya dabadeed ciddii ka soo goysana la siiyo qiimo. Marka kolley arrintani arrin fudud maaha, [waana qalad in Turkigu] ay isku qasbaan laba arrin oo aan is geyin oon shaqo isku lahayn weeye, waayo maanta cidi naguma khasbi karto Xamar inaanu raacno, sababtoo ah dawladda Soomaaliya ka taagani iyo dawladda Somaliland ka jirtaa wey kala dimuqraadisan yihiin, dimuqraadiyadana waxaa u dhaw ta Somaliland ka jirta waayo dalka waad aragteen waanad soo marteen, xamar waxa ka dhacayana waa la arkayaa oo waa la og yahay , markaa annagu Turkigaad sheegaysaaye dawladaha waaweyn ee dunidu hadday isugu yimaadaan naguma qasbi karaan waxaan dadkayaga iyo shacbigayagu rabin, arrintanna shacbi baa goostay oo [gooni isu taaggeeda] madax dhaqameed umuu goyne shacbigay ka timid, wixii shacbigu doonayana la isma hor taagi karo” sidaa ayuu Suldaanka guud ee Beellaha JSL yidhi.

Mar la weydiiyey su’aal nuxurkeedu daarnaa in madax dhaqameedka Somaliland ay ku kala jabaan arrintan amaba qaar kamid ahi ay ajiibaan baaqaas oo wada hadalka ay ka qayb galaan, mawqifka uu suldaan ahaan aaminsan yahay maadaama oo uu suldaankii guud yahay, waxaa uu ku jawaabay “wallaahi arrintaas anigu sideedaba ma waafaqsani, madax dhaqameedkana waa la siyaasadayn karayaa, khiyaamooyin fara badanina meesha way ka socdaan, waxaan leeyahay bal horta intaan la tegin in ay madax dhaqameedku naaqishaan wixii ay ka yeellayaan oo ay talo midaysanka yeeshaan ka hor intaan albaabkaas la furin oo la is weydiiyo in ay faa’iido leedahay iyo wixii ay khasaare leedahay” ayuu suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir hadalkiisa ku soo xidhay.

Xigasho Hubaal