War Bixin: Caanihii Geela Oo Laga Samanayo Kiniin, Saabuun, Roodhi Iyo Waxyaabo Kale Oo Xiiso Leh

0
780

“Waa caanihii geela saabuun laga sameeyay. Saabuuntan ilaa 5 doolar ayaa halka midh la siiyaa”

Hargeysa(Warsugan) Wariyaha caanka ah ee Cabdisalaan Hereri ayaa warbixin xiiso badan ka diyaariyay geel ku dhaqan wadanka Holand ee qaarada Yurub ku yaalla. Waxa uu sheegay in geelaasi oo ku xaraysan xero uu yahay kan kaliya ee lagu dhaqo qaaradda Yurub. Waxa uu sheegay in munaafacaad badan oo caanuhu ugu muhiimsan yihiin geelaasi looga faa’iidaysto. Cabdisalaan oo muuqaal ka soo duubay geelaasi ayaa muujinaya geel ku xaraysan dayr biro ka samaysan oo dusha ka dadan, kaasi oo aan laga dareerin goobta balse lagu quudiyo. Waxa uu xeradaasi kula kulmay dalxiiseyaal tiro badan oo sharaxaad laga siinayo geela, iyadoo haweenay u sharaxaysay qaabdhismeedka jidheed ee Geela, sida kuruska, Tawaada awrka, doobta Awrka, Ilkihiisa, Sanadkiisa iyo waxyaabo kale oo hab dhaqanka geela ku saabsan, islamarkaana dadkaasi xiiso badan u hayeen inay ogaadaan.

Geesta kale wuxuu Cabdisalaan sharaxaad ka bixiyay waxyaabo aanay Soomaalida geela dhaqataa filayn oo laga sameeyo caanaha geela “Waxaa laga yaabaa dadkeena Soomaalidu sidii ka awoow, ka awoow laga soo gaadhay uun geela loo manaafacaadsado laakiin, xeradan geelu waxay la yaab ku leedahay waxyaabo fara badan oo aan maskaxdaadaba ku soo dhacayn ayaa caanihii geela laga sameeyaa, waligaa ma maqashay ama ma istidhi caanihii geela ayaa roodhi laga samaynayaa? Waa tan aan gacanta ku hayo roodhi laga sameeyay caanihii geela, waa arrinta ugu mucjisada badan laakiin qaar kale ayaa soo socda,” ayuu yidhi Cabdisalaan Hereri oo gacanta ku haya roodhi bac ku moorsan oo caanaha geela laga sameeyay.

Cabdisalaan Hereri wuxuu sheegay in dadka soo bookhda xeradan waxyaabaha la siiyo ee geela laga sameeyo ay ka mid yihiin dhegaha lagu xidho fureyaasha oo geelii ku sawiran yahay “Arrinta kale ee aad iyo aadka iiga yaabisay waxa weeye, haddii imbadan aad ka cadhootay iyadoo lagu yidhi Caanihii way go’een ama dhammaadeen ama xooluhuba way gudhan yihiin oo geelu caano malaha, taas imika waa laga badow baxay, caagadan yar waxaa ku jira caanihii geela oo Kiniin ah, markaa laba ilaa saddex midh baad ku dhufanaysaa(Liqaysaa) maalintii, dabeedna intii caanuhu kuu tarayeen ayay iyana kuu tarayaan, waxaad ku wadanaysaa jeebada, kuwii aad sanadka dambe cabi lahayd ayaad haddaad doonto sii qaadanaysaa,” ayuu yidhi Cabdisalaan oo gacanta ku hayay caagad yar oo kiniin caano ka samaysan ku jiro.

Waxa kale oo uu goobta ku arkay caanaha geela oo laga sameeyay saabuunta wax lagu nadiifiyo “ Waa caanihii geela saabuun laga sameeyay. Saabuuntan ilaa 5 doolar ayaa halka midh la siiyaa ayaa la igu yidhi, inanta goobtan ka shaqaysaa waxay ii sheegtay in dad ka caban jiray cudurada maqaarka oo saabuuntan iibsaday aad wax ugu tartay oo ku caafimaadeen, mucjisooyinkii faraha badnaa ee geela lagu sheegi jiray ayuun bay iyaduna ka mid tahay