WAR DED DEG AH : KHILAAF CULUS OO KA DHEX QARXAY MUUSE BIIXI IYO MAXAMED KAAHIN OO CIRKA ISKU SHAREEREY.

0
358

Warar xog ogaal ah ayaa  sheegaya inuu khilaaf xoogani  ka dhex istaadhmay guddoomiyaha ahna musharax Madaxweyne ee xisbiga gabalkiisu sii dhacay ee KULMIYE iyo guddoomiye ku-xigeenka Xibigaasi Maxamed Kaahin, kaasi oo la sheegay inuu sii xoogaystya hadda, isla markaana uu khilaafkaasi marayo heer aad u xun.
Khilaafkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ka dib markii uu ka warhelay Mujaahid Maxamed Kaahin in uu Muuse Biixi iyo madaxtooyadu ay damacsanyhiin in xilka guddoomiyenimada Xisbiga ku wareejiyo wiilka dabaakhiinta madaxtooyda horjoogaha u ah ee Maxamuud Xaashi, taasi oo keentay inuu ka biyodiido talaabadaasi, iyadoo aanu todobaadkii ugu dambeeyey ka soo xaadirin xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa maxamed kaahin oo uu cadho ku maqnaa.
Dhanka kalena Mujaahid Maxamed Kaahin ayaan la socon weftiga uu Muuse Biixi hoggaaminayo ee socdaalada ollolaha ku gaalaabixinaya gobolada Togdheer, Sool , Saraar iyo xaysimo, iyadoo uu taa badelkeeda uu kursigii Maxamde Kaahin loogu talogalay uu fadhiyey, isla markaana uu booskaasi isku dhererinayey wiilka gacanyaraha u ah marwo Aamina waris ee Maxamuud Xaashi Cabdi, balse waxa xusid mudan in qorsha lagu khaarajinayo maxamed kaahin ay si wadda jir ah u qorshanayaan Madaxtooyada iyo Muuse Biixi.
Gunaanadkii khilaafkan ka dhex istaadhmay Muuse Biixi iyo maxamad kaahin ayaa hadda maraya meel aad u xun iyadoo uu Maxamed kaahin muddo ka soo agwareegin xayn-daabka xarumaha xisbiga KULMIYE, isla markaanu wuu diiday inuu raaco weftiga Muuse Biixi hoggaaminayo ee ollolaha ka istaadhay gobolada bariga, iyadoo ay xusid mudantahay inuu Muuse si badheedh ah ugu casuumay kursigii Maxamed kaahin wiilka uu doonayo inuu guddoomiyaha xisbiga ku wereejiyo ee Maxamuud xaashi