War deg-deg ah: Golaha Wakiilada Somaliland Oo Meel Mariyey Gudoomiye Baashe Una Balamay Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka Axada Soo Socota

0
438

Warsugan(WSN)dood dheer iyo ismarin waa maalmahan u dhexeeyey golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah ku soo dhamaaday meel marinta gudoomiye baashe Maxamed Faarax una balamay doorashada gudoomiye ku xigeen koowaad ee golaha wakiilada Somaliland.

kulankan saaka oo saacado qaatay in uu buuxsamo kalfadhigii wakiiladu waxa uu markii danbe ku soo biyo shubtay in ay fadhiistaan xildhibaanadu waxaana shirkaasi shir gudoominayey Baashe Maxamed Faarax oo isagu ahaa gudoomiyihii la doortay balse muran ka taagnaa maalmahan, taasina saaka ayey soo afjarantay, mar hadii uu hogaamiyey golihii wakiilada shirkoodi maanta,

waxa saaka aan kulankaasi ka qaybgelin saxaafadda ka hawlgasha Caasimada Somaliland ee Hargeysa kuwaasi dibed joog ka ahaa kalfadhigaasi

Warsugannews.com,

Hargeysa/Somaliland/Office