War Deg-deg ah: Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markale Magacaabdi Xilka Qaadis iyo Xeer Hoos geyna ku sameeyey Xubno ka mida Xukuumada

0
326

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED – 15/02/2016Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3842/022016 ku Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle, Isagoo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas, sidoo kalena Tv Qaranka waxa uu Hoose geeyey Wasaaradda Warfaafinta, halka uu Xubin Cusubna u magacaabay Komishanka Maamul-wanaagga.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Xeerka: Hoose Geynta Tv-ga Qaranka ee Wasaaradda Warfaafinta

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee uu TV-ga Qaranku u leeyahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In ay lagama-maarmaan tahay in Warbaahinta Dawladdu si toos ah isula jaanqaado;

Markuu Ka Fiirsaday: In la middeeyo nidaamka maamul iyo siyaasadeed ee Warbaahinta Dawladda;

Markuu ku Qancay: In ay habboon tahay in TV-ga Qaranka la hoos-geeyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta;

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan

1. In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, uu maamul ahaan TV-ga Qaranku si toos ah u hoos iman doono Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

2. In Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu uu si buuxda uga mas’uul yahay dejinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka lagu hagayo TV-ga Qaranka.

 Magacaabida Xubinta Komishanka Maamul-wanaagga

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaagu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Xubinta Komishanka Maamul-wanaagga;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi-naasir Cabdillaahi Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Komishanka Maamul-wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Xilka Qaadista Gudoomiyaha Buuhoodle

Ku: Mudane, Cismaan Ciise Maxamed
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Buuhoodle Buuhoodle

Ujeeddo: Xil ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado Xilka Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle. Sidaas darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejin doonto mas’uulka aan xilkaas u soo magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Aw Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.