War deg-deg ah: Saddex Caruur ah oo hada lagu qabtay Magaalada Laascaanood ka dib markii laga soo xaday Hargeysa

0
399

War deg-deg ah: Saddex Caruur ah oo hada lagu qabtay Magaalada Laascaanood ka dib markii laga soo xaday hargeysa.

Laascaanood (Warsugannews) Mardhawayd fiidkii waxa lagu qabtay Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood Saddex Caruur ah oo da’a doodana lagu qiyaasay ka ugu weyn inuu yahay 5 sanno jir, ka dib markii caruurtaa looga shakiyey in la soo xaday ayaa lagu wargeliyey Ciidamada Booliska ka dibna waxa gacanta ku dhigay caruurtii iyo ninkii watay oo isagu gaadhi u gaara ku sitay, markii caruurta la waydiiyey xaga ay ka yimaadeen ayey iyaga oo naxsan ka rooni ku jawaabay Hargeysa balse ma cada dhinaca ay hargeysa ka degenaayeen iyo haybtoodatoona.

shebekeda warsugan Media Group waxay la socodsiinaysaa cidii ay ka maqan yihiin caruurti inay la xidhiidhaan maamulka gobolka Sool oo iyagu hada gacanta ku haya caruurtaasi.

warsuganmedia@gmail.com
warsugan15@gmail.com

Laascaanood/Office