War Deg Deg AH:Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Xadhigiis,Yaase Ka Dambeey?

0
690

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo xoriyaddiisii dib u helay ka dib Lix iyo Toban caano maal oo uu ku xidhnaa saldhiga dhaxe
ee Hargeysa, ayaa si adag uga hadlay cidda ka dambeysay xadhigiisa, tacadiyo iyo weli ba cago-jugleyno uu la kulmay intii uu ku jiray xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa, waxaana uu si toos ah farta ugu fiiqay in xadhigiisa ay ka dambeeyeen wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud ee Somaliland, kuwaasi oo uu ku duray in ay dusha u saarayeen fal dambiyeed aanu haba-yaraatee shaqo ku lahayn sida oo kale na aanu waxba ka ogeyn sida uu u dhacay.
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlaayey xarunta dhaxe ee Xisbiga WADDANI ku lee yahay magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horreyn uu iska foggeeyey in uu wax shaqo ah ku lahaa dembiga loo soo xidhay.
“Siddii aad ogeydeen, waxa aan muddo Lix iyo Toban caano maal ah aan ku xidhnaa saldhigga dhaxe ee magaalada Hargeysa, waxa la ii qabtay oo la igu soo eedeeyey kiis aanan shaqo ku lahayn oon beri ka ahaa. Laba inan oo dhallinyaro ah oo walaaladey ah oo is dilay, weli ba na aanan joogin meesha ay isku dileen, taas oo ahayd meel aan cidlo ahayn oo mahwi ahayd umadda Ilaahay na taagan tahay oo hudheelka Xaraf la yidhaahdo ah , kiis kaas la igu soo oogay waa la waayey wax cadeeya oo in aan goobtaas ka soo xaadiray iyo in aanan joogin ba markhaati ma doon bay ahayd. Xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha na waan u mahad naqayaa oo markii ay marag waayeen, xaqiiqsadeena in aanan goobtaas ku sugneyn waxa ay si cadaalad ah iigu soo celiyeen xoriyaddeydii, waanan u mahadnaqayaa mar kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha ba, haddii ay tahay Maxkamadda gobalka, Maxkamadda sare iyo Xeer ilaalinta Qaranka ba. iiskaas aan u xidhnaa ee aanan shaqada ku lahayn ee reer Somaliland oo dhammi na oggaayeen sidaa aan hore u sheegay ‘Walle iyo Bille ayey iga tahay’, in xattaa inamadaa walaaladey ahi halkaa ay isku dagaaleen aanan cag soo dhigin, wax ay isku dileen ma oggeyn.”.Ayuu yidhi siyaasi Muniir Axmed Cigaal
Md.Muniir Axmed Cigaal, waxa uu kale oo uu mas’uuliyadda xadhigiisa ka foggeeyey ciidamada Booliska Somaliland oo uu sheegay in aanay shaqo ku lahayn, balse taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ay mas’uuliyaddiisii ciidan ku adeeganayaan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Axmed Siilaanyo oonay xattaa xidhiidh wada shaqeyneyd lahayn ciidamada Booliska, waxaana uu Fadal dareensiiyey in aanu xilka qaran ee uu hayo aanay u igman wasiiro gaari balse ay uu u igmaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
“Ma eedeynaayo ciidamada Booliska, waayo iyaga amar baa la siinaayey, waxa aan arkaayey iyaga oo taleefanada ay dhegta hayaan oo cagta dhulka looggu soo dhufanaayey oo ay gariirayaan oo ay lahaayeen maxaanu ku xidhnaa ninkan, siyaasiyiin baa la soo hadlaysay oo iyaga eedeyn maayo oo waa ciidamadeenii, waxa se aan qodob ka odhanayaa Jananka Bileyska, Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa aan lee yahay Cabdillaahi waa janankii Bileyska oo waxa ay ahayd in uu u dhaxeeyo siyaasiyiinta, shacabka iyo Booliska. Cabdillaahi Fadal waxa magacaabay Madaxweyne oo waxa aan lee yahay may ahayn in uu ka amar qaato dadka soo amraayey ee taleefanada u soo diraayey ee wasaaradaha jooga oo xattaa aan ahayn wasaaradahii amniga ku shaqada lahaa, wasaaradaha amnigu waxa ay lee yihiin wasiiro, wasiiro ku xigeeno uu qaranku ku og yahay, waxa aan Cabdillaahi lee yahay Cabdillaahi may ahayn in uu ka amar qaato inamada aanu ilmaadeerka nahay oo waxa aan lee yahay Cabdillaahiyoow inamada aanu ilmaadeerka nahay dalka ma xukumaan e’ Madaxweyne ayaa xukuma oo waxa ay ahayd in uu Cabdillaahi Madaxweynaha ku xidhnaado oo ka amar qaato oo uu u dhaxeeyo siyaasiyiinta, shacabka iyo ciidamada , qalinka iyo xilka Ilaahay baa qoray oo maalinta Madaxweynahu qalinka kugu magacaabay ee uu kor u qaadayey iyo maalinta uu kugu eryaayaba xagga Alle ayey ka qoran tahay. Cabdillaahi aniga oo mar kale Ixtiraamaya waxa aan odhan lahaa inamada aanu ilmaadeerka nahay ee taleefanada kuu diraayey ee wasiirada ah ee aan ahayn hay’adaha amaanka ee aad xidhiidhka la lee dahay dalka ma xukumaan, dalka Madaxweyne qaran baa ka taliya, weli ba taariikh leh oo adiga na kugu sharfay oo weli ba kugu aaminay oo waxa ay ahayd in aad isaga ku xidhnaato.”.Ayuu yidhi Muniir Axmed
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, ayaa sida oo kale si cad farta ugu fiiqay cidda ka dambeysay xadhigiisa, waxaana uu tilmaamay in kala duwanaanshaha fikirku aanu ahayn mid lagu yareyn karo cunfi, xadhig iyo weli ba sida oo kale cabudhis toona, isaga oo si gaara u tilmaamay in wasiirka Madaxtooyada Md.Maxamuud Xaashi iyo wasiirka Hawlaha Guud ba ay ka dambeeyeen xadhigiisa.
“Waxa kale oon lee yahay ogobeey siyaasaddu maaha cunfi, xadhig iyo cabudhis toona, in aynu kala ra’yi duwanaano oo kala afkaar duwanaano oo kala dood duwanaanaa sida ay wajiyadeenu u kala duwan yihiin ayaa Ilaahay ugu talogalay oo Nebi Muxummad ayaa ugu mudnaa cid wax la soo amroo, waxa lagu yidhi si xikmadi ku jirto dadka wax ugu sheeg oo siyaasaddu maaha in haddii qofku uu fikirkaaga ku qanci waayo oo uu qaadan waayo in aad cabudhiso maaha ood u cago-juglayso oo mas’uuliyaddey ceeb ku tahay, xilka qaranka ee ay hayaan bay ceeb ku tahay oo Ilaahay hortii bay ku xun tahay. Maxamuud Xaashi na wax badan odhan maayo oo wasiirkii Madaxtooyadoo Maxamuud isku magaalo na waanu ahayn markii aanu Ingiriiska deganeyn, oo magaalada Bermiham la yidhaahdo ayaanu wada deganayn, Maxamuud waa nin cod kor ah se marka uu dagaalka siyaasiga ahi kululaado marka uu halka ugu saraysa ka gaadhsiiyo ayuu dhexda kaga hadhaa, haddii ay tahay dagaalkii SNM iyo haddii ay tahay kii KULMIYE ee 2010kii oo labadooda ba uu dib ugu soo laabtay Ingiriiska, kan maanta lagu jiro ee tartanka ahna colaad maaha ayaan ku lee yahay.”.Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu Cali Mareexaan ku tilmaamay in ka hor intii aan wasiirka laga dhigin uu ahaa shakhsi siyaasiyiinta iyo xildhibbaanada u soo basaasi jiray Madaxtooyada Somaliland, waxaana uu yidhi:
“Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan, isagu wuxu ahaa ninkii kiiska meel walba la soo hadlaayey ee horeyso iyo dambeyso ba ku jiray mar walba. Xilligii Maxamed Siyaad Barre dadkii jiray ama saxaafadda ka arkay baa garanayee waxa jiri jiray nin la odhan jiray Cali Khadiijo oo ninkaasi golahii kacaanka iyo Madaxtooyadii ayuu isu basaasi jiray oo qasriga Madaxtooyada ayuu wararka u keeni jiray, aad nin u firfircoon buu ahaa oo waxa uu aad ugu xidhmay Marwadii Madaxweynaha ee Siyaad Barre ee Khadiija Macalin oo aad buu u dedaali jirayoo kolba ninkii ama siyaasiga kacaandiidka wixii la odhan jiray ah ayuu sawiri jiray oo uu faaleyn jiray oo xilligaas wax lama duubi jirin oo Teknolojiyadan lama hayninee maskaxdiisa ayuu wax ku duubi jiray, ninkii siddii uu siddii u waday Golahii wasiirada ayuu ka mid noqday, deed na waxa uu yeeshay tilmaan caan ah oo golahii wasiiradu u yaqaanaan oo waxa loo bixiyey Cali Khadiija, Cali Mareexaana waxa aan lee yahay waa Cali Khadiija oo ninkaas aynu sheegay iyo Cali Mareexaan taariikh isku mid ah ayey wada lee yihiin, sida uu Baarlamaanka ugu qaabilsanaa Madaxtooyada Somaliland, sida uu siyaasiyiinta musawirka ugu bixinaayey oo Samaalaha maanta garan maayo sida uu damiir ahaan u la socdee wax buu ka rikoodh gareynaayey oo caddaan bay ahayd Samaale na waa og yahay siddii baana uu Cali Wasiir uu ku noqday.”.
Ugu dambeyntiina, siyaasi Muniir Axmed Cigaal, waxa uu u mahadceliyey dhammaan ba dadkii kala duwanaa ee ka damqaday xadhigiisa iyo weli ba sida oo kale kuwii habeen iyo maalin ba u taagnaa siddii uu u heli lahaa xoriyaddiisa.
“Runtii waxa aan halkan uga mahadcelinayaa cid kasta oo xadhigeygaa ka dhiidhiday, tacadiga ahaa, lama arki karo, lama soo booqan karo, wixii aad ogeydeen illaa guddoomiyahii Baarlamaanka laga hor celiyey, dhammaantood waan u mahadnaqayaa haddii ay siyaasiyiin tahay, xildhibbaano iyo dad aan magacyadooda la soo koobi karayn oo runtii ay ku jireen Madaxdhaqameedyada uu ugu horreeyey Jiif-caaqilka Gobalka Maroodi-jeex Jiif Caaqil Rashii Maxamed Jaambiir oon habeena ka nasan siddii la ii soo deyn lahaa.”.Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.