War Deg Deg:-Mudaharaad Hada Ka Socda Dawlada Hoose Ee Hargeysa , Xildhibanadii Oo Gacmaha Iskula Tagey Iyo Koox Saxafiyiin Ah Oo Xabsiga La Dhigay .

0
663

Waxaa hada ka socda afaafka hore ee dawlada hoose ee Magaalada Hargeysa mudaharaad ay dhigayaan qaar ka mid ah shacbiga
magaalada Hargeysa oo iyagu ku dhawaaqaya ” HARGEYSI LABA MAAYAR AYEY U BAAHAN TAHAY ”
Sidoo kale waxaa iyaguna gacmaha iskula tagay qaar ka mid ah xildhibaanada golahaasi isla markaana u kala jabey qaar la socda maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco iyo qaar ka soo hor jeeda waxaana la sheegaya in aqlabiyada golahaasi ay maayarka ka soo hor jeedan .
Sidoo kale waxaa iyaduna hada xabsiga xafada New Hargeysa oo la jaar ah xarunta dawlada hoose la dhigay kooxo saxafiyiin ahaa oo halkaasi ku sugna isla markaana la sheegayo in ay duubeen buuqa iyo mudaharaadka meesha ka jira .

Buuqa iyo mudaharaadka saaka ka bilowdey xarunta dawlada hoose ayaa waxaa saldhig u ahaaa ka dib markii maayarka Solteco uu sheegay in wajahada tiyaatarka Hargeysa laa dhigaayo Baarkin ay baaburtu istaago oo uu cagaf galiyey