War Deg Deg:Qaraxyo Khasaare Xoogan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Suuq Mashquul Badan Oo kuyaala magaalada Baqdaad

0
417

Labo qarax ayaa lagu weeraray suuq mashquul badan oo kuyaala bartamaha magaalada Bagdaad ee caasimada dalka Ciraaq, waxaana qaraxyadan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyadan ayaa la sheegay in daqiiqado isku dhaw ay ka dhaceen goob gaadiidka lagu baakinto iyo goob kale oo ka tirsan suuqa, waxaana la sheegay in mid kamid ah qaraxyada uu fuliyya ruux jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa.

Inta la ogyahya waxaa qaraxyadan ku dhintay 25-qof oo kamid ahaa dadkii suuqaasi ku sugnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo kale, waxaana suurto gal ah in ay kasii bataan qasaaraha inta hada la ogyahay.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadan xoogan ee ka dhacay suuqa kuyaala magaalada Bagdaad, Kooxda Daacish ayana horey qaraxyo dad badan ku dhinteen sidan oo kale ugu weerartay suuqyo ay u badan yihiin dadka shiicada oo kuyaala magaalada Bagdaad.