WAR DEGDEG AH: DAD GADOODAY OO DAB QABADSIIYEY GURIGII UU DEGANAA TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA AWDAL

0
440

WAR DEGDEG AH: DAD GADOODAY OO DAB QABADSIIYEY GURIGII UU DEGANAA TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA AWDAL

Boorama (Warsugannews) – Dad Gadoodsan ayaa dab sudhay guriga uu Magaaladda Boorama ka degan yahay Taliyaha Booliska ee Qaybta Gobolka Awdal taliyaha qaybta ee gobolka Awdal Mud.Cabdi Barkhad Araweelo.

2
gurigan oo ku yaala xaafada Fardaha ee Magaaladda Boorama ayaa qiiq iyo olol wada socdaa ay ka kaceen goor dhaweyd, ka dib markii dad ka cadhooday qaabka ay xukuumaddu u maaraysay rabshadaha ka dhacay Magaaladu.

3
dad tiro badan ayaa isugu soo baxay bakhtiinta dabkaasi ka kacay guriga Taliyaham, sidoo kalena dab-damisyo ayaa iyaguna u soo gurmaday, xukuumadduna ilaa hadda kama ay hadal sababta ugu weyn ee dabka loo sudhay gurigaasi.

ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dabkaasi la sudhay guriga uu degan yahay taliyaha ciidamada Booliska ee qaybta Gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here