WAR-DEGDEG AH MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIR KU XIGEENKA QORSHAYNTA QARANKA

0
436

Warasaxaafadeed hada naga soo gaadhay Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.mudane Naasir Yuusuf Daahir ayaa lagu shaaciyey magacaabida wasiir ku xigeenka qorshaynta oo uu hore isaga casilay wasiir ku xigeenkii hore.

waxaanu u dhignaa wasaxaafadeedkaasi sidan:

WAR-SAXAAFADEED
Taariikhda: – 24/08/2015

Hargeysa(Warsugannews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.

Madaxweynaha:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here