War-degdeg ah: Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Taliye ku xigeenkiisa halka uu bedel ku sameeyey taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisi

0
302

Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Taliye ku xigeenkiisa halka uu bedel ku sameeyey taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisi

WAR-SAXAAFADEED- 03/01/2016

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: BEDDEL

Ku: G/sare, Axmed Cali Maygaag
Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Og: Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale
Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

Og: Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Mudaneyaal,

Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)