War-degdeg ah: Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Aqbalay mid ka mida Masuuliyiintii Iska Casilay Xilkii Xalay Loo Magacaabay Ducana ugu Daray

0
308

War-degdeg ah: Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Aqbalay mid ka mida Masuuliyiintii Iska Casilay Xilkii Xalay Loo Magacaabay Ducana ugu Daray
WAR-SAXAAFADEED: – 04/12/2016
Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad

Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Mudane,
Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.
Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.