War-degdeg ah: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dablaydii Ku Eedaysnayd Dilkii Taliyihii Qeybta Booliska Saaxil iyo Liiska Magacyada Dadkaa Xukunku ku dhacay

0
319

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dablaydii Ku Eedaysnayd Dilkii Taliyihii Qeybta Booliska Saaxil iyo Liiska Magacyada Dadkaa Xukunku ku dhacay

Hargeysa(Warsugannews)Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa Xukun Dil ah ku riday 8 nin oo ku eegaysnaa falkii toogashada ahaa ee lagu khaarajiyey Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Saaxil Gashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Casayr)
Sideedan nine e saaka Maxkamadu Ciidamada Xukunka u riday ayaa la sheegay inay dhamaantood rasaas ku fureen Marxuum Casayr oo ahaa Taliyihii Booliska Gobolka Saaxil , sidoo kalena waaa xukun Xabsi ah ku dhacay sideed qof oo kale kuwaas oo lala xidhiidhinaayey danbigaasi
Gudoomiyaha maxkamadu wuxuu sheegay in siddeed nin oo kale oo isla degaankasi ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba todon sano oo xadhig ciidan ah, iyagoo weeraray Deegaanka Ceel-garde sanadkan horaantiisii.
Dhanka kalena eedaysanaayaashan la xukumay ayaa wax ku jira gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka saaxil mudane Xaamuud oo isagu ahaa ninkii ay wada socdeen gaadhigana wada fuushanaayeen taliyaha markii lasoo weeraray dilkana loo gaystay, waxaana la sheegay in maxkamadu ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ciqaabeed ah.

Liiska Magacyada Xukunka Dilku ku dhacay iyo Inta xukunada dhaareer lagu riday
1. Cabdirisaaq Maxamed Dubad, Xukun Dil
2. Mxamed Xasan Caraale (Dhaglo) Xukun Dil
3. Jamaal Cawil Faarax
Saddexdaa Eedaysane oo iyagu ahaa goobjoogeyaal ku sugnaa maxkamada.
• Halka ay maqnaayeen
4. Cabdi Gaab, maqane Xukun Dil
5. Cabdi Indhoweyne. Maqane Xukun Dil
6. Keyse Jaamac Kaliil Maqane Xukun Dil
Labada Eedaysane ee ka dhiman tiradaas dib ayaanu idinka soo sheegi doonaa
Inta Xukunada aan dilka ahayni ku dhacay
1. Carab Maxamed Qaalib, Xadhig 7sano ah
2. Muuse Bidaar Xadhig 7sano ah
3. Madax-yar oo dhaawac ah 7Sano oo Xadhig ah
4. Ibro 7sano oo xadhig ah
5. Hogod 7sano oo Xadhig ah
6. Yuusuf Cunaaye 7 sano oo Xadhig ah
7. Xamud Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Saaxil 8Bilood oo Xadhig ah
8. Keyse Dheere 2 Sano oo xadhig ah
Halka 5 eedaysane lagu waayey waxa dembi ah lana sii daayey