War-degdeg ah Qaar ka mida Shaqaalihii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland oo New Boolisku Itoobiya ka qabteen Xuduudka labada Dal una taxaabeen Xabsiga Jigjiga

0
344

War-degdeg ah Qaar ka mida Shaqaalihii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland oo New Boolisku Itoobiya ka qabteen Xuduudka labada Dal una taxaabeen Xabsiga Jigjiga.

Boorama(warsugannews) sida aanu war xogogaal ah ku helnay waxa ciidamada lagu magacaabo new booliska itoobiya ay xabsiga u taxaabeen qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda Qorshaynta oo Maalinimadii Axadii hawlo shaqo ka bilaabay guud ahaan dalka, loona kala diray gobolada, gaadheena meelihii loo kala diray.
haseyeeshee shaqaalahan la qabtay oo ku guda jiray hawlohooda shaqo ayaa saacadu markii ay ahayd 11:00 Am duhurnimo waxay gaadheen xuduudka labada dal ee itoobiya iyo Somaliland, halkaasi oo aanay kala cadayn in ay ka gudbeen xuduudka somaliland una galeen dhinaca itoobiya iyo in laga qabtay gudaha somaliland toona.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka helnay qaar ka mida shaqaalihii ay ku guda jireen shaqada haseyeeshe iyagu ka baaday news booliska oo hada ku sugan boorama ayaa noo sheegay in ay qabteen laba ka mida shaqaalihii ku guda jiray hawsha, iyo Derewalkii u waday gaadhiga, halka uu baxsaday Askarigii ilaalada u ahaa shaqaalaha oo isagu hubaysna.

Magacyada shaqaalaha la qabtay oo la noogu sheegay
1. Cali Madoobe (wadihii gaadhiga)
2. Siciid Xaashi (Shaqaalaha Wasaaradda Qarshaynta)
3. Nasriin Aadan (Shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta)

waxaana shaqaalahaasi iyo wadaha gaadhiga hada loo dhaadhiciyey Jigjiga iyada oo ilaa duhurkii maanta lagu hayey Aw barre.
wixii warar ah ee dheeraada waanu idin soo gudbin doonaa ee kolba aanu ka helno arrinkaasi.

Warsugannews
Warsugamedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here