War degdeg ah: War Naxdin geliyey dad ka shaqaynaayey Guri cusub oo hargeysa laga bineeyey oo laga helay todoba Ruux qolfoofkood

0
357

Hargeysa (Warsugannews) – Qalfoofka Dad aan Tiradooda la aqoonsan, ayaa Maanta laga soo faqay gudaha dhisme burbursanaa oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq ee Magaalada Hargeysa.

Dhismahan oo dhanka Koonfureed kaga beegan Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, ayaa Shaqaale doonayey inay dhisme ka bilaabaan ka soo foqeen Qalfoofka Dad Tiro ahaan ku dhow Hal Qoys oo ka koobnaa 7 illaa 8 Ruux, kuwaasi oo la helay iyagoo isku xidhan oo Xabaal wadareed ku wada aasan.

Alle ha u naxariistii Dadkan oo la rumaysan yahay inay ka mid yihiin Dadkii Reer Somaliland ee ay xasuuqday Dawladdii Siyaad Barre, ayaa waxa halkii laga soo saaray, sidoo kale laga soo foqay Dharkii ay xidhnaayeen oo sidoodii ah.

Ilaa hadda Xukuumadda Somaliland kama hadal Dadkan Qalfoofkoofa laga helay halkaasi, kuwaasi oo ku soo beegmaya Xilli Somaliland looga debaal-dagayo Xuska 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland.