War degdeg: Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ga’aan ka gaadhay xidhiidhka Qadar

0
404

Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa(WSN)Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag-jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xag-jirnimada.

Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.

Sidaa darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:-

1. in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2. Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.


Allaa Mahad leh,

Wasiirka Arrimaha Dibedda
Dr. Sacad Cali Shire