telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

WAR HADDA SOO DHACAY:QARAX GOOR DHAWEYD KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO IYO KHASAARAHA UU GEYSTEY

Muqidisho (WARSUGANNEWS.COM)_Wararka ka imanaya magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya inuu Goor dhaweyd qarax gaadhi lagu soo xidhay uu ka dhacay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan goob u dhaw Saldhiga booliiska Degmada Waabari.

wararka ayaa intaa waxay ku darayaan in qaraxu uu ahaa nooca gaadiidka lagu dhajiyo waxaana uu la qarxay qofkii gaadhiga lagu xidhay watay, waxaana qaraxa kadib wadadaasi soo buuxiyay gabi ahaana wadada xidhay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Ruuxii watay gaadhiga qaraxa lagu soo xidhay ayaa la sheegay in uu qaraxa kasoo gaadhay dhaawac culus oo qaybaha hoose ee jidhka ah, waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay ruux kale oo wadada dhinaceeda marayay.

Lama oga ilaa hada qofka watay gaadhiga goor dhaweyd la qarxiyey waxa uu ahaa, waxaana goobtaasi dhaawaca ka qaaday ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo usoo gurmaday halka uu qaraxu ka dhacay.

Dhinaca dawladda ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadashay falkaasi, mana jirto cid sheegatay qaraxaasi.

629 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins